|

“Saleebaan Iyo Xaaji Cabdi-na Iyo Kooxdaasi Shaqo Kaleba May Qaban intii Dalka Lagu Soo Noqdey Waa Muddo Kordhin Waxay Goor Walba Ka Shaqeeyaan,Sicir Bararkana…..”Ex-Wasiir Maxamed Xaashi

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Ex-wasiir Maxamed Xaashi Cilmi,oo qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa waxaa uu eedeymo Cul-culus u jeediyey golaha guurtida Somaliland waxaana uu ku sifeeyey shakhsiyaad aan aheyn qaar xishoonaya isla markaana shaqadoodii ku soo koobay muddo kordhin.

Ex-wasiir Maxamed Xaashi Cilmi,ayaa eedeymo aan kala go’ahayn ku garaacey guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland iyo Xaaji Cabdikariin Yuusuf (Xaaji Cabdiwaraabe),waxaana uu yidhi”Saleebaan iyo Xaaji Cabdi-na (Cabdi-Waraabe) iyo kooxdaasina shaqo kaleba may qaban intii hawshaasi jirtey ee dalka lagu soo noqdey,waa muddo kordhin waxay goor walba ka shaqeeyaan,tan maantu way taagan tahay,laakiin kuwii hore oo dhami may taagneyn, golaha guurtiduna ma aha rag xisoonaya ” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi waxaa uu ka digay in muddo kordhin mar labaad loo sameeyo xukuumada Madaxweyne Siilanyo waxaana uu madaxweynah u soo jeediyey in aanu muddo kordhin sameysane ee dawlad kooban la sammeeyo,waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaaasi ka hadlaya,”Waxaan odhan lahaa madaxweyne Siilanyo ha kordhansanine ee dawlad kooban ha la dhiso oo kharashka ha la dhimo ” ayuu Eng Maxamed Xaashi

Geesta kale waxaa uu Ex-wasiir Maxamed Xaashi Cilmi,walaac xooggan ka muujiyey sicir bararka,waxaana uu sheegey in aan sicir barar jirin,balse uu jiro wasiir barar.

Comments are closed