Raxan Daanyeero Ooman oo Bidhaansanaya Xoolaha Nool ee Gobolka Sool iyo Xaalada abaarta oo ka sii daraysa
Laascaanood 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Daayeer raxan-raxan u socda ayaa weerar ku qaadaya oo xoolaha iyo raashinkaba ka cunaya xoolo-dhaqatada ku nool miyiga degmooyinkaXuddun iyo Laascaanood ee gobolka Sool.
Weerarradan oo uu billaabay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayuu kordhiyay toddobaadyadii u dambeeyay, maaddaama ay abaartu ka sii darayso. Abaartaas oo ka dhalatay roob la’aan deegaannadaas ka jirta muddo sanad ah ayaa baabi’isay mirihii iyo waxyaabihii kale ee uu daanyeerku ku noolaan jiray.
Cabdirisaaq Maxamed Aadan oo ka mid ah dadka xoolaha ku dhaqda miyiga deegaankaHol-hol oo qiyaastii 35 km u jira Xuddun ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in toddobaadkii ugu dambeeyay bishii hore ee Diseembar uu daayeerku ka cunay ilaa 15 neef oo Adhi ah.
Wuxuu xusay inta uu ka warqabo in ilaa lix neef oo geel ah oo kici kari waayay abaarta darteed uu daayeerku ku cunay deegaanno u dhow miyiga uu joogo.
Reer miyigu waxay sheegeen in neefka Adhiga ah ay ku degayaan ilaa 50 xabbo oodaayeer ah, kaddibna ay daqiiqado gudahood ku dilayaan, iyagoo dhiigga ka miiranaya, hilibkana ka cunaya.
Cabdirisaaq Maxamed Aadan isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Awalba iyada oo ay dhibaato nagu haysay abaarta oo aan u taag la’ayn helista raashinka carruurta, kana walwalsaneyn sidii aan daaq iyo biyo ugu heli lahayn xoolaha yar ee noo haray ayuu haddana daayeerku noqday dhib kale oo nala soo dersay, waxaanay abaartu naga dishay 235 neef ”
Adhiga waxaa badanaa raaca carruurta iyo haweenka, ragguna waxay qabtaan howlaha waraabka, hayaaminta iyo inay reerka u raadiyaan nolol-maalmeedka, hase yeeshee weerarka daayeerka ayaa Cabdirisaaq ku qasbay in uu howlihii kale oo dhan joojiyo, si uu maalin kasta u raaco 150 adhigiisa uga haray maaddaama aanay carruurta ka celin karin daayeerka.
Wuxuu sheegay in uusan deegaankooda joogi jirin daayeer badan, balse ay u maleynayaan daayeerkan raxan-raxanta u socda inuu ka imaanayo qeybo dhinacaTogdheer oo abaarta ay si daran u saameysay uuna u socdo dhinaca gobolka Bari oo roob uu ka da’ay.
Daayeerka ayaa sidoo kale weerar ku qaada qoysaska, isagoo ka cuna raashinka sida uuErgo u sheegay Cismaan Jaamac Ducaale oo jooga deegaanka Gobob-raaxo oo qiyaastii 45 km waqooyi uga beegan Laascaanood.
Wuxuu xusay in jawaanno ay ugu keydsanaayeen min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sokor ah oo toddobaadkii hore uu $42 uga soo iibsaday Laascaanood uu daayeerku ka cunay. “Xitaa afar litar oo saliid ah oo noo taallay furka ayuu ka furtay wuuna cabay,” ayuu yiri.
Deegaanno aan barkado lahayn oo dadku ay biyaha ku keydsadaan baco godad lagu riday ayuu daayeerku ka wasaqeeyay biyihii. Wuu cabbaa, kaddibna wuu dhex galaa oo ku qubeystaa. Biyaha oo fuustadii la iibiyo $2 waxaa laga keenaa durdurka Laascaanood.