|

Xukuumadda Xabsiga Dhigtay Dablay Abaabulan Oo Shalay Weerar Liid-nimo Ah Ku Qaaday Masaajid Lagu Cibaadaysto Oo Ku Yaala Magaalada Berbera + Khasaaraha Ka Dhashay

Berbera 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Ciidanka booliska magaalada Berbera ayaa maalintii shalay ahayd si adag uga hor tegay weerar wax-shimo ah oo ay koox abaabulani ay doonayeen in ay ku burburiyaan guri kamid ah guryaha illaahay ee lagu cibaadayso, kaasi oo ku yalaa magaalada Berbera.
Kooxdan weerarka ku soo qaaday dhismaha Masaajidka ayaa doonaysay in ay xoog kula wareegay dhismaha masaajidka, isla markaana ay burburiyaan, balse waxa  si adag uga hortegay weerarkooda ciidanka booliska gobolka Saaxil iyadoo ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen kooxdaasi, isla markaana ay xabsiga u taxaabeen in ka badan 18 qaswade oo kamid ahaa dablaydii timaha weynayd ee wararka ku soo qaaday goobtan lagu cibaadaysto ee masaajidka ah.
Dhanka kalena kooxdan ayaa ku dhawaaqaysay xiligii ay weerarka soo qaadeen haddalo ka dhan ah qadiyada gooni isu -taaga Somaliland, iyagoo ku dhawaaqayey Soomaaliya hanoolaato, ma jirto wax Somaliland la yidhaah, dalkii Somaaliya waa mid iyo eroyo kale oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantooda ka soo horeejday qadiyada gooni isu-taaga Somaliland.
Geesta kalena illaa hadda inta la xaqiijiyey waxa ku dhaawacmay weerarkaasi laba kamid ah ciidanka booliska gobolka saaxil, kuwaas oo la sheegay in ay hadda xaaladooda caafimaada wanaagsantahay, isla markaana lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalad Berbera, waxa kale oo la sheegay inuu khasaare soo gaadhay qaar kamid ah dablaydii weerarka soo qaaday, iyadoo ay dablaydu burbur soo gaadhsiiyeen gaadiid tiro badan oo ay dowladu leedahay, balse ma jiro wax dhimasho ah oo ka dhashay halkaasi.
Weerarkan ay kooxdan timo weynta ahi kusoo qaaday maasjidkan, ayaa ka dambeeyey kadiba markii dhawaan maamulka masaajidkaasi laga wareejiyey timo weyn si ku meel gaadh ah u haysay, waxaasi xusid mudan in kooxdan ay hadda umuuqato kuwo cid danno gaar ah lihi ay adeegsanayso.
Ugu dambayntii ciidanka booliska gobolka saaxil ayaa gebi ahaanba fashiliyey weerar liid-nimo ah oo koox abaabulani ay ku soo qaaday boq-cad barakaysan oo lagu cibaadaysto oo ku taala magaalada Berbera , waxaanay dhammaan gacanta ku dhigeen ciidanku dadkii weerarka soo qaaday, halka kuwo kalena lagu raad- joogo.

Comments are closed