|

Adama Barrow oo Madaxweyne loo dhaariyey & Milateriga Senegal oo galay Gambia

Dakar 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee dalla Gambia, Adama Barrow ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ku leedahay magaalada Dakar ee Senegal Xalay Fiidkii.

 

Mr. Barrow ayaa khudbad uu jeediyey dhaartiisa ka dib waxaa uu ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS iyo Qaramada Midoobay inay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia, ayna gacan ka geystaan sidii dalkaas loogu soo celin lahaa dimoqraadiyada.

Ciidamada Gambia ayuu ugu baaqay inay joogaan xeryahooda, wuxuuna sheegay kuwa aan joogin xerada in loo arki doono mucaarad.

Madaxweynihii hore ee Gambia Yahye Jammeh ayaa diiday inuu xilka ka dego ka dib markii looga guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas dabayaaqadii sanadkii hore.

Ciidamada dalalka Galbeedka Afrika ayaa haatan dhooban soohdinta dalkaas, wararka qaarna waxay tibaaxayaan in guuto ciidanka Senegal ka tirsani ay galeen dalka Gambia, waxaana la socda ciidamo ka tirsan Gambia oo taageeraya madaxweynaha cusub. Sida ay faafiyeen wakaalada wararka caalamka qaarkood.

Comments are closed