|

Muwaadin 11 Jeer Xabsiga u Galay Isagoo Bulshadiisa Fahamsiinaya Qiimaha Waddaniyada iyo Xogwaran ku Saabsan Xaaladihii uu ka soo Hawlgalay

Hargaysa 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Aqoon Yahan C.rashiid Cismaan Jaamac Wuxuu Ku Magac Dheer Yahay ‘’Waddani’’ waxa uu haatan yahay Agaasimaha Mashaariicda ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa.

C.rashiid Cismaan Jaamac ‘’Waddani’’ Wuxuu Noqday Muwaadin Mudo 11 Jeer ah Xabsiga la dhigay si loogu aj buro inuu Joojiyo Ka Hadalka Waddaniyada iyo Soo Bandhigida dhaliisha Xorta ah,Wuxuu Todobaad Kastaba Maalinta Arbacada Fagaarihii Khayriyada ee Magaalada Hargaysa ka Jeedin Jiray Khudbad uu Bulshada ku Fahamsiinayo Wacyigelinta & Ku Baraaruga Waddaniyada Sidoo Kale Khudbadihiisu Kama ay Madhnayn Soo Bandhigida dhaliilaha Maamul ee Markaas Jiray, C.rashiid Cismaan Wuxuu Ku Dhashay Magaalada Sallaxley Hilaadii 1950 Waxa uu Waxbarashadiisii Ku soo qaatay Sallaxley,Caddaadley,Faarax Oomar,Xalane (Muqdisho) Waxa uu Shaqooyin Kala duwan ka soo qabtay Dalkii la isku Odhan Jiray Somalia, C.rashiid Waddani Waxa uu Hada yahay Agaasimaha Mashaariicda ee Dawlada Hoose ee Magaalada Hargaysa.

Cabdirashiid Cismaan Jaamac Waddani Wuxuu ka hadlay Sooyaalkiisii Nololeed iyo Kii Shaqo isagoo Qodobadan iyo Kuwo Kaleba kaga Warbixiyey xogwaran dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii Tegay ee uu soo Saaro Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Ugu horayn Wuxuu C.rashiid Cismaan Jaamac Waddani waxa uu ka Jawaabay Xiligii ay ku abuurantay Inuu dadka Ku abaabulo kuna Wacyigeliyo Waddaniyada iyo Dhul Jacaylka Waxaanu Yidhi ‘’ Sannadkii 1972kii oo aan Ku Jiray Dugsigii Xalane ee Muqdisho waxaan ka mid ahaa 1200 oo arday oo Dugsigaas Ku Jiray Waxaa naloo Sheegay in Cidii Arrin Heer Qaran ah haysa in loo Ogol Yahay Wixii Khudbad ah ee Dareenkii ku Oogan,Waxaan Nasiib u Helay inaan Ardayda u bandhigo Qiimaha Waddaniyadda Taas oo Qiiro Gelisay Ardaydii Xalane Wax ku baranaysay Markaan Sadex Todobaad waday ayaa Ninkii Qaybtayda haystay Wuxuu Ku Wargeliyey Ninkii Xerada oo dhan haystay oo Aadan Gabyow la odhan Jiray inuu Arkay arday Qiiro Waddaniyadeed Ku Beeray ardaydii Ku Jirtay Dugsigaas Waxa uu Ka Codsaday in dhamaan ardayda wax ka baranaysay Dugsigaas aan Khudbad Waddaniyada ah u Jeediyo Waanu ka Ogolaaday,Mar Kale Waxaa dib u Shiray Xalane,Xafiiskii Xidhiidhka Dadweynaha Qaabilsanaa Iyo Wasaaraddii Waxbarashadda Waxay Go’aamiyeen in Gudi aan Gudoomiye u ahay ay Maalin kasta oo Jimce ah Khudbado Ku Saabsan Waddaniyada ka soo Jeediyo Xaafadaha Magaaladda Muqdisho’’

 

C.rashiid Cismaan Xiliyadii ay Somaliland ka Taagnaayeen Xaaladaha adag ayuu ku Soo Beegmay inuu Dalkiisa Yimaado,Gaar ahaan Sannadkii 1992kii isagoo ka soo Kicitimay dhanka Magaalada Muqdisho Wuxuu Xusay inuu Liqi Kari waayay Dagaalo Macno la’aan ah oo ka socday Magaalooyin ka Tirsan Somaliland Waxayna Taasi Ku dhalisay inuu u Banbaxo Sidii uu Shacabka u fahamsiin lahaa Qiimaha Waddaniyadda ‘’Markaan arkay Xaaladaas aan Indhaha laga Lalin karin ayaan la tashaday 9 Nin oo Asxaabtayda ahaa una Bandhigay Sidii ay Ololahan iigu Taageeri lahaayeen anigoo u Sheegay inaan Gaadhigayga Hawshaas Ku Fulin doono Waxaan Xasuustaa 9 Nin oo Yidhi waxaan Xasuusanaa Sidii uu Siyaad bare dalka u Layn Jirayoo Kuma Dhiiranayno C.rashiidoow Hawshaas,Waxaan Bilaabay in Maalin Kasta oo Arbaca ah intaan Mikrifoon qaatay inaan Khayriyada Ummada Kala hadlo kuna baraarujiyo Sidii ay uga shaqayn lahaayeen dal dhiska iyo boodh ka Jafida Waddaniyada Isla markaana aan dadweynaha Xasuusiyo inaan la halayn Midhihii Wanaagsanaa ee Halgankii Dib u Xoraynta dalka,Waxay arrintaasi Keliftay in 11 Jeer aan Xabsiga Galo Laakiin Taasi igama ay Joojin Ka hadalka Waddaniyada & Difaacida Xoriyatul Qawlka’’

Wuxuu Cabdirashiid Xusay inay Muhiim Tahay Sidii Qof kasta oo ka mid ah Shacabka Somaliland uu dalkiiisa wax u gashan lahaa ugana qayb qaadan lahaa Horumarka aynu higsanayno Isagoo Xukuumadda iyo Mas’uuliyiinta Talada haysana u Soo Jeediyey inay u dhego nuglaadaan Shakhsi kasta oo Fikir Wanaagsan oo Wax toosin ah u soo ban baxa Isagoo intaas ku daray in Mudadii uu Halgankaas waday ay u Muuqatay Madaxdii Xiligaas Joogay Kuwo aan Fahamsanayn Wixii uu ku hadlayay Taasina ay keliftay in Caddaadis weyn la saaro iyadoo ay u arkayeen Sida uu Yidhi Nin Ku Soo duulay dawladnimada Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu Yidhi ‘’ Dareenka Bani aadaamku wuu kala gedisan yahay waxa Jiray dadka qaar ka mid ah oo dhinaca Khaladka iska taagayay qaar ayaa nin Waalan igu qorayay,Kuwo Kalena waxay lahaayeen Ninkan Ilaahay ayaa ummada u Soo diray Waxaan Xasuustaa Nin Xaafada Idaacadda Deganaa oo Igu Yidhi Markii aad Khudbada Jeedinaysay Waxaan is ag taagnayn Xaaji Cabdi Waraabe oo ah Duqayda Somaliland ee Waayo araga ah,Waxaan weydiiyey ayuu Yidhi Xaaji Cabdi Muxuu ahaa Ninkan Mikirifoonka Sita ee Gaadhiga ku dul taagan Waxaan ka filayay ayuu yidhi in Xaaji Cabdi Waraabe yidhaa waa Ninkaas waalan Laakiin Wuxuu Xaajigu igu Hal Celiyey Waa Ninkaas Ilaahay ummadiisa u Soo diray ee Malabku ka da’ayo Markaas anigana arrintaasi dhiirigelin iyo Farxad ayay I sii gelisay anigoo I idhi mar hadii Xaajigii Somaliland ugu da’a weynaa arrintaadii uu fahmay dadka kalena way garawsan doonaan’’ .

C.rashiid Cismaan Jaamac Waddani wuxuu intaas ku daray inuu Halgankiisii Joogsan ilaa wax badani iska bedeleen heerkii fahamka bulshada Somaliland Waxaanu ku Guubaabiyey dhallinyarada Somaliland inay ka Shaqeeyaan Mar walba Sidii Kor loogu qaadi lahaa Waddaniyada si qaranka Somaliland u Gaadho Himilada uu beegsanayo.

Comments are closed