“Siyaasiyiinteena Waxaan Leeyahay Yaanay Caadifadi Idinka Hadlin..” Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha
Hargaysa 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dhawaaqyada Siyaasiyiinta Dalku kaga soo horjeedaan Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadku doonayso inay ka samaysato Magaalada Berbera.
Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inay Siyaasiinta iyo Dadka kale ee ka hadalka Arrimaha guud ee Qaranka sida Saldhigga Imaaraadka ka doonayo Berbera ay u digayaan, waxaanu yidhi, “Siyaasiyiinteena waxaan leeyahay yaanay Caadifadi idinka hadlin, ee Caqli ha idinka Hadliyo. Haddii Bulshadeenna Masaakiinta ah ee Mushaakilka Maanta haysta aad ogtahay aynu 24-ka Saacadood Makarafoon u haysanno oo aynu Hayaayeyda uun gurno waa Mushkilad.”
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay, “Waxaan leeyahay Ninkii wax tabanaya ee Siyaasiya ee doonaya inuu Wax sheegaa goobaha ay leedahay hala yimaaddo, markaa waxaan Waxgaradka reer Somaliland uga digayaa inay Dalka iyo Dadka u tudhaan. Dadka yaan la wareerin oo Hawlahooda ay wataan ha loo daayo.”ayuu yidhi.