Barack Obama oo qabtay shirkiisii Jaraa’iid ee ugu danbeeyey Digniina u diray Trump
Washington 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa qabtay shirkiisii Jaraa’iid ee ugu danbeeyey isaga oo Madaxweyne, waxa uuna shirkan jaraa’id uga hadlay arimo badan oo muhiim ah ay ku jirto waxii uu soo qabtay intii uu xilka hayay.
Brack Obama ayaa lagu wadaa in Maanta oo Jimce ah uu Ka Guuro Xarunta looga arimiyo dalka Mareykanka ee Aqalka cad, waxaana xilka si rasmi ah ula wareegi doono Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Shirka Jaraa’id uu qabtay Brack Obama ayuu kaga hadlay siyaasada dalka Mareykanka uu kusoo hogaaminayay waxa uuna sidoo kale kaga hadlay xariirka aan wanaagsaneyn ee dowqladiisa kala dhaxeeyay Dowlada Ruushka, waxa uuna caalamka ugu baaqay in il gaar ah lagu hayo Ruushka.
Obama ayaa sidoo kale ka hadlay cafis Madaxweyne uu u fidiyay askari katirsanaa ciidanka Mareykanka oo siro badan oo laheed Dowlada u gudbiyay shabakada Wikileaks, sirtaasi ayaana aheed midii soo caan bixisay shabakadaasi.
Waxa uu difaacay Madaxweyne Obama go’aankii uu ku cafiyay Bradley Manning oo ahaa askarigii sirta badan faafiyay, waxa uuna tilmaamay in uu soo maray askariga ciqaab iyo dhib badan uuna mudan yahay in xiligan la cafiyo.
Bradley Manning ayaa horey Maxkamad milatari ugu riday xukun xabsi 35-sano ah, hasa ahaatee Madaxweyne Obama ayaa cafiyay iyadoona la filayo bisha May ee soo socota xabdsiga laga sii daayo marka ay u dhamaato 7-sano oo xabsi ah.
Ugu Danbayn Madaxweynaha xilka ka degaya ee Obama ayaa digniin u diray Madaxweynaha cusub ee Donald Trump, waxa uuna uga digay in uu ka waantoobo hadalada aan micnah laheyn uu ku hadlo si aysan waxyeelo u gaarin sumcadiisa iyo tan qaranka Mareykanka.