|

Dawlada Ingiriiska oo Ka Jawaabtay Codsi ay Somaliland Ku Dalbatay inay Xubin Goob Jooge Ku Yeelato Ururka Barwaaqo Sooranka Ingiriiska

London 19. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inaanay Somaliland xubin goob-jooge ku yeelan karin ururka barwaaqo sooranka.

Xildhibaan Andrew Rosindell oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa fadhigii shalay ee baarlamaanka Ingiriiska, wasiirul dawlaha xoghayaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Mr. Tobias Ellwood, weydiiyay su’aal  nuxurkeedu ahaa mawqifka dawladda Ingiriiska ee in Somaliland kursi goob-jooge ku yeelan karto dalalka barwaaqo sooranka, ayaa wuxuu wasiirul dawluhu ku jawaabay,  “Ma jiro kaalin goob-joogenimmo ama  ka mid ahaansho la xidhiidha oo Wadamadda Barwaaqo-sooranku leeyahiin,” ayuu yidhi Mr. Tobias Ellwood, Wasiiru-dawlaha xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka, waxaanu intaas raaciyay  “Shuruudaha xubinnimada waxa ka mid noqon kara dal xor ah, isla markaana Somaliland weli aqoonsi caalami ah ma helin. Mowqifka Ingiriisku waxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda, oo wadamadda jaararku hormuud  u noqdaan aqoonsiga waxa ka soo baxa.”

Comments are closed