|

Qisada Gabadhii lagu kufsaday Galdogob iyo Sida ay wax u dhaceen “Hubaal waad ilmeyn”

Gal-Dogob 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dad badan ayaa laga yaabaa ineysan xog badan ka heyn sida uu ku bilowday isla markaana uu ilaa haatan ku socdo kiiska la xariira gabar 16 jir ah oo ay kufsi wadareed ugeysteen 6 wiil oo qaan gaar ah.

Kufsigan oo uu wehliyay jirdil iyo tooreyn gabadha lagula kacay ayaa keenay iney naxdin iyo dhaawacyo soo gaaray darteed ilaa haatan isbitaal koomo kula jirto.

Hadaba, Waxaad qeybta danbe ka ogaan kartaan Wax walba oo aad ugu baahan tahay inaad ka ogaato dhacdadaan murugada leh

(Dareen Damqasho hadii aad leedahay walaal u duceey Gabadha la dhibaateeyay)

  • Gabadha Meeqo Ayaa Kufsatay?

6 wiil ayaa kufsaday, Midka ugu weyn waa 27 jir. Lixda mid kamid ah Suldaan ayaa dhalay, midkalana wuxuu la dhashay Ex-Xildhibaan Xoosh oo Barlamaanka Somaliya ka tirsanaa, marna wasiir noqday

  • Falka Siduu u Dhacay ?

Habeen 20:00 ayey ahayd, Gabadha waxa ay dhoweyneeysay Gabar kale oo saaxibteed ah. 2 wiil ayaa jidka u galay, wey qash-qashaadeen. Kadibna Gaari cad ayaa yimid oo lagu qaatay gabadha la damacsanaa in la kufsado.

Waxa ay geysteen Baadiyaha magaalada Goldogob ee Puntand, Halkaas ayey ku fara xumeeyeen iyagoo 6 ah. Inka badan 3 saac ayey heysteen

  • Gabadha Marka Hore Maxey Sameeysay?

Ridaaya Gabar qurux badan oo 16 jir ah ayey ahayd, xaafadeeda aad ayaa looga jeclaa. Edeb iyo asluub ayey laheed lakin Ragaan ayaa marar badan isku dayay in ay qasbaan, ayadana waaka diiday.

Markii dambe waxa ay go’aan ku gaareen in ay kufsadaan madama gabadha ay aad u qurux badneed.

  • IYADOO MIIR DABOOLAN AYEY KUFSADEEN

Wey diiday inbadan in ay kufsadaan, kadib ayey tooreey lasoo baxeen, waxa ayna ku mudeen meelo badan oo jirkeeda kamid ah. Sidaas ayeyna gabadhii Ku suuxday, iyagana xaajadooda ay guda galeen

  • Dhaawac Noocee ah Ayaa loo Geystay?

Gabadha Qeybta wadnaha, dhabarka, caloosha, Xubinta taranka, wajiga dhamaan mindi ayaa looga muday. Waana dhaawac halis ah hadda

Waxa ay ku jirtaa isbitaal Dhagacade ee magaaalada Gaalkacyo. Marka ay soo naaxdo iyadoo wax waalan oo kale ah ayey dadka ula hadashaa. Lakin inta badan waa qof iska miirdaboolan.

Dhaqaatiirta isbitaalka waxay sheegeen in gabadha caafimaadkeeda uu wali soo hagaagin, balse ay la tacaalayaan.

  • HADALADA GABADHA MAXAA KAMID AHAA?

Marka sharafteeda lagu ciyaaray, waxa ay hooyadeed ka codsatay in ay iska iloowdo, waxa ay tiri “hooyo iyo aabe midna ma sheegan doono, aduun aan cadaalad ka jirin ayaan ku noolahay”.

  • MUUQAALKA MARKII HORE SIDUU KU FAAFAY?

Lixda wiil ee inanta faraxumeeyay waxa ay ka qaadeen muuqaal lasoo galiyay website-yada lakin in laa faafiyo iyaga ma rabin ee Waxa ay uga qaadeen in markale ay ku xujeeyaan gabadha in ay u timaado oo hadana xaajad kale la galaan.

Mid kamid ah wiilasha ayaa muuqaalka wuxuu u diray gabar kale oo saxib ahaayeen, Gabadhaas ayaa muuqaalka faafisay.

  • Puntland Waa Loo Diiday

Reerka ragii wax kufsaday ayaa diiday in dowlada Puntland ay soo dhexgasho arinta. Waxa ay sheegeen in labada reer ay iyaga dhexdooda ka hashiin doonaan

Madaxweyne C/wali Gaas wuxuu sheegay in qolyaha falka geystay lasoo istaajin doono maxkamada, walibana gabadha ay heli doonto xaqeeda. Hase yeeshee reerka inamadii dhibta geystay ayaa wali diidan in lasoo dhexgalo.

  • Aaway hada Ragii Dhibaatada Geystay?

5 kamid ah waxaa gacanta ku hayya Qoyska gabadha, mid kamid ah wuu baxsaday oo lama oga halka uu aaday.

Waxaa la leeyahay Sharciga diinta islaamka ayaa la marin doonaa lakin Abtiga gabadha la dhibaateeyay oo u hadlay VOS ayaa sheegay in ragaan oo aan la toogan in xaq uusan jirin.

  • Dareenka Shukri

Shukri C/raxmaan Cabdullahi waa hooyada dhashay Gabadha. Dhiikar ayey iyadana la xanuunsaneeysaa, murugo ayaa heysa, waayo inanteeda yar ayaa si xun loo galay.

Maamo Shukri oo aan wacay waxa ay ii sheegtay in Odaygeeda iyo iyadaba ay la xanuunsan yihiin Kufsiga gabadhooda loo geystay.

  • Faquuqa Xaafadda ay Dagan Yihiin

Inbadan qoysaska dariska la ah reerka dhibaatada soo gaartay ayaa la ii sheegay in ay faquuqaan oo ay wax ka sheegaan reerka iyo gabadhaba.

Maamada waxa ay ii sheegtay in Maanta wiil 11 jir ah oo gabadha la dhashay uu la dagaalay mid kale oo yar kadib markii uu ku yiri “walaashaa baa la kufsaday ee maxaad nagala hadli”.

Waana niyad jabka hada heysta qoyska dhibaateeysan.

  • Gabadha Oo dil isku dayday iyadoo Xanuunsan?

Waxa ay damacday in ay toorey qaadato oo wiilashii mustaqbalkeeda ku ciyaaray ee hadana dhaawacay ee muuqal ka duubay ay soo disho lakin waalidkeed ayaa celiyay.

Ooyin iyo ciil iyo xanuun ayey hada la jiiftaa.

Duco oo kaliya ayey kaaga baahan tahay ee u duceey Please in walaasheen caafimaad uu Alle siiyo, Allow caafi yaa allah.

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

Comments are closed