|

“Muuse Waxaanu Leenahay Hadalkaa Aad Tidhi Afka Kamaad Odhan,Waxaanu Leenahay Muuse Biixi Xilka Xayuubin Hallagu Sameeyo (Impeachemnt)”Suldaan Ka Fur-furo DAAWO

Burco 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Cabdiladiif Maxamed Nuur Qoor-Ubaxay (Ka Fur-furo),oo ka mid ah salaadiinta beesha bariga Burco,oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Burco ayaa si adag uga falceliyey hadallo ka soo yeedhey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,hadalkaasi oo ahaa in haddii madaxweyne Siilaanyo doorashada madaxtinimada dalka ku qaban waayo 28-ka bisha saddexaad ee March ee sannadka uu maxkamad la tiigsan doono madaxweynaha.

Suldaan Cabdiladiif Maxamed Nuur Qoor-Ubaxay (Ka Fur-furo),ayaa sheegey in ay la yaabeen hadalka ka soo yeedhey Muuse Biixi,waxaana uu yidhi,”Waanu yaabney,xaley waa layaabey wixii guddoomiyihii xisbiga KULMIYE ee wixii godob ahaa ee la ogaa ee uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u galey ”

Suldaanka ayaa sii raaciyey,”Xaleyto waxaa uu ka dhawaajiyey hadal aan looba fadhiyin oo uu leeyahay madaxweynihii qaranka u sarreeyey ayaan maxkamad taagayaa”Ayuu yidhi Suldaan Cabdiladiif Maxamed Nuur Qoor-Ubaxay (Ka Fur-furo).

Suldaan Cabdiladiif Maxamed Nuur Qoor-Ubaxay (Ka Fur-furo),ayaa si cad u sheegey in hadalkaasi ka soo yeedhey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE in aanu afka ka odhan,”Muuse waxaanu leenahay hadalkaa aad tidhi afka kamaad odhan meel kalaad ka tidhi,in badan baa lagu kool-kooliyey oo lagu qaadaa dhigey oo uu Axmed Siilaanyo godobo fara badan kuu galey”Ayuu yidhiSuldaan Cabdiladiif Maxamed Nuur Qoor-Ubaxay (Ka Fur-furo).

Comments are closed