“Hal Milyan Iyo Badh Ayaa Ku Caydhoobey Abaarta Somaliland” Maxamed Muuse Cawaale DAAWO
Hargaysa 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha hay’adda baadhista masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland Md,Maxamed Muuse Diiriye ayaa si ba’an uga deyriyey heerka abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobolada Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad gaadhaya hal malyan iyo badh ay ku caydhoobeen abaarta ba’an ee wadanka ka jirta,waxaana uu hoosta ka xariiqey in haddii aan dadka wax lala gaadhin ama aan loo gurman in ay ka sii dari doonto.