Maxaa ka jira in haweeney Soomaali ah lala qabtay ninkii dadka ku laayey Istanbul? SAWIRO
Istanbul 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal booliska Turkigu ku soo qabteen ninkii ka dambeeyay weerarkii habeenkii sanadka cusub lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul.
Duqa magaalada Istanbul Vasip Sahin ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov oo u dhashay dalka Uzbekistan la aaminsan yahay inuu Turkiga soo galay Januray 2016.
Vasip Sahin ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu soo qabtay 2 Bistoolad, SIM Cards-ka Mobaylada iyo lacag dhan 197,000 oo Dollar.
Booliska ayaa u dhacay guri uu ninkan ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen dad kale oo la sheegay in ay halkaasi joogeen.
Sawirro la soo bandhigay ayaa muujinaya ninkan oo dhiig uu ka socdo wajigiisa, sida boolisku sheegeena Baaritaan caafimaad ayaa lagu samayn doonaa ninkan la tuhunsan yahay ka hor inta aan su’aalo la weydiin.
Waxaa laga soo qabtay gurigaas wiil la sheegay in uu isagu dhalay oo afar sano jir ahaa.
Sidoo kale ninkan waxaa lala soo qabtay nin Ciraaqi ah iyo saddex haween oo u kala dhashay dalalka Masar, Somalia iyo Senegal sida ay qoreen wakaalada wararka Anadolu iyo wargeyska the Sun ee ka soo baxa magaalada London.
Dowlada Turkiga weli ma aysan xaqiijin in dadka lala soo qabtay ninkan ay ku jirtay haweeney Soomaali ah, illaa haddana laamaha amaanka dalkaas kama hadlin dhalashada dadka lala soo qabtay ninkan.
Weerarkii Istanbul ka dhacay billowgii sanadkan ayaa waxaa lagu dilay 39 qof, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda la baxday Dowladda Islaamka.
Booliska wadanka Turkiga ayaa sheegay in ninkan uu ku soo tababartay dalka Afghanistan uuna dalkaas u yimid inuu geysto falal argagaxisanimo.