|

Dagaalo Khasaare Nafeed Sababay oo Ka Bilaabmay Magaalada Caddaado ee Xarunta Maamul Goboleedka Gal Mudug

Caddaado 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dagaal xooggan ayaa Shalay ka billowday magaalada Cadaado, ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisado ka dhashay xil-ka-qaadistii Xildhibaanada ku sameeyeen Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

 

Dagaalkaas ayaa sheegaya inuu u dhaxeeyp ciidamada NISA iyo kuwa Booliska, kuwaasi oo ku dagaalamayo gacan ku haynta Xarunta uu ku shirayo Baarlamaanka Galmudug.

 

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada NISA ay tageen xarunta Baarlamaanka, halkaasi oo ilaalo ka hayeen Booliska Galmudug, oo la sheegay inuu ka biyo diideen amar kasoo baxay Guuleed oo ku aadan inay xiraan xarunta, si aysan ugu shirin Xildhibaanada xilka ka qaaday.

 

Goob joogayaal, ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas xoogan iyo hugunka hubka culus, oo Ciidamada NISA iyo booliska isku waydaarsanayaan nawaaxiga xarunta Baarlamaanka.

 

7 Askar oo 4 kamid ah NISA katirsantahay ayaa ku dhaawacmay isku dhaca labada ciidanka, iyadoo aysan jirin cid katirsan laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ka hadashay dagaalka socda.

Madaxweyne Guuleed, ayaa wax kadib xilka qaadista lagu sameeyay ku laabtay magaalada Cadaado isagoo maamulkaas kusoo rogay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxa’ed Xaashi Carabeey, oo kula kulmay shalay Cadaado Taliyaha AMISOM Gen. Soubagle, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka socdo AMISOM si xiisada loo qaboojiyo.

Madaxda Somalida, beesha Caalamka iyo AMISOM ayaa si wadajir ah ugu baaqday Saraakiisha Galmudug inay wadahal ku xaliyaan Khilaafka.

Comments are closed