Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo Si Kor Ka Xaadis ah u Iftiimiyey Waxyaabaha ay Ku Heshiiyeen Xisbiga Kulmiye & Garabkii Jamaal Cali Xuseen,Marka Roobku Da’o oo Xaflada la qaban doono DAAWO
Hargaysa 17. January 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga KULMIYE iyo Garabkii xisbigii UCID ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaaciyey heshiis ay ka gaadheen wadahadallo u socday oo lagu dhammaystirayey midow buuxa oo labada dhinac dhexmara.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana guddoominayey guddidii xisbiga KULMIYE u qaabilsanayd wadahadallada, ayaa u mahadnaqay guddiyadii labada dhinac, waxaannu halkaas ka akhriyey qodob dhawr ah oo ay labada dhinac isla qaateen, iyada oo faahfaahinta qodobada heshiiskana dib loogu dhigay xafladda loo qoondeeyey inay labada dhinac ku midoobaan.
Md. Maxamed Kaahin waxa uu carrabaabay in heshiiska labada dhinac wada gaadheen ay ka mid yihiin; Ilaalinta iyo adkaynta qaddiyadda gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, xoojinta midnimada iyo wada-jirka umadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo la-dagaallanka qabyaaladda, ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, qorshaynta ka-hortagga abaaraha soo noqnoqda, ilaalinta iyo ku-dhaqanka dastoorka Qaranka, ka xisbiga KULMIYE iyo ku dhaqanka diinta Islaamka iyo in garabka New Ucid si buuxda uu ula midoobo xisbiga KULMIYE si ay talada xisbiga qayb uga noqdaan iyaga oo KULMIYE.