|

Shariif Xasan oo siyaasiyiin ka soo jeeda koonfur Galbeed ku eedeeyey iney Ku Wacad Fureen Isla Markaana Kaga Baxeen Balan ay Wada Galeen

Baydhaba 17. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul gobolleedka K/Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasiyiin ka soo jeeda Bay iyo Bakool ay uga baxeen balantii ay wada galeen.

Shariif Xassan oo saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo oo uu ku laabtay ayaa sheegay inuu guuldareystay qorshe uu ku damacsanaa in isbedel lagu sameeyo hogaanka dalka oo muddo dheer u asteysnaa beello gaar ah.

“Ujeedadeena waxey aheyd in dadka reer K/galbeed sanadkan hellaan madaxweyne ama ra’iisal wasaaare, laakiin siyaasiyiin ka soo jeedda deegaannadan oo aan arintaa isku afgaranay iskuna ogeyn ayaa markii dambe ballantii ka baxay’’ ayuu yiri Shariif Xassan oo an sheegin magacyada siyaasiyiinta uu sheegayo iney balanta uga baxeen.

 

Shacabka reer K/Galbeed, baarlamaanka iyo gollaha xukuumada maamulka ayuu sheegay Shariif Xasan in intaba ay isku afgarteen isku deyga ah in la hello madaxweyne ama ra’iisal wasaare, lagana gudbno hanaanka aan qorneyn ee K/Galbeed loogu asteeyey Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

 

“Maalin maalmaha ka mid ah waa ku guuleysan doonnaa inaan wax ka qabano xilalka kale ee hogaanka dalka, maxaa yeellay wax aan leysku dayin lama hello, arinta ah in hal qabiil kaliya kursiga madaxweynaha u tartamaan maaha wax sii soconaya’’ ayuu yiri Shariif Xassan.

 

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa damaciisa uu meesha ka baxay ka dib markii Maxamed Cismaan Jawaari oo ka soo jeeda beelaha koonfur Galbeed uu isku soo taagay kuna guuleystay doorashadii gudoomiyaha baarlamanka Somalia.

Comments are closed