|

” Gudiga Doorashooyinka Dadban Hada,dajiyeen Dhamaystirka Aqalka Sare” Prof Jawaari DHAGAYSO

Muqdisho 17. January 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamanka Dawlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa gudiga doorashoyinka dadban ka codsaday inay soo dhamaystiraan xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ka dhiman si loo guda galo doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

 

Maxamed Shiikh Cismaan oo ka hadlayey Kulan ay warbixin kusoo saarayeen gudiga Doorashooyinka dadban ayaa sheegay inay meel wanaagsan wax soo gaarsiiyeen gudiga doorashooyinka sidoo kalana uu uga mahad celinyo waqtiga ay galiyeen.

 

Hadalka Jawaari ayaa kusoo aadaya iyadoo Xubnaha aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Muqdisho ee ku magacaaban Soomaaliland ay ka taagantahay Khilaaf adag oo gudigu ay dib u dhigeen doorashadooda.

Comments are closed