Xaaladda Dhabta Ah Ee Dadka Ka Soo Baro-kacay Abaarta Gobollada Bariga, Waayeel Iyo Carruur Dhaxantu Jiifka U Diiday & Xoolo Looga Baqay In Qabowgu Laayo Oo Maryo Lagu De’day DAAWO
Hargaysa 16. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dadka Reer Somaliland ee Abaartu ka soo baro-kicisay Gobollada bariga Dalka isla-markaana la dejiyey Dhulka bannaan ee u dhexeeya Magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh ee Gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa waajahaya Xaalad Adag oo nololeed.
Qoysaskan oo Gaadiid Lacag badan ay ku kireysteen ka soo qaadeen deegaannada bariga Somaliland, ayaa waxay degeen Dhulka bannaan ee u dhexeeya Dila iyo Kalabaydh si Xoolaha uga soo hadhay Abaartu ay uga helaan Baad iyo Biyo ay ku noolaadaan inta Roobku ka da’ayo deegaannadii ay ka yimmaaddeen, laakiin waxa Dadkaasi oo aan badankoodu haysan Guryo la sheego, ayaa waxa dhibaato badan ku haya Qabow aad u daran, maaddaama oo Xilligan Jiilaalka uu Qabow darani ka dhaco Somaliland oo dhan, halka ay deggan yihiin oo Ban ahina ay ka sii daran tahay.
Qabow halkaa ka jira ayaa keenay in Neefafka Geela ah iyo Dameeraha Reerku rartaan ee Abaarta uga hadhay Xilliga Habeenkii la saaro Maryo si looga ilaaliyo in dhaxantu Dhiigga fadhiisiso oo ay Bakh-bakhtiyaan, sida uu sheegayo Aabbaha Qoys ka mid ah Dadka Abaartu ka soo baro-kicisay Bariga Somaliland, “Neefafkan Geela ah waxaan Dhaxanta ka huwiyey Maryo, Waayo? haddaanan Maryahaa huwinin dhiigga ayaa fadhiisanaya oo jiibsanayaa, dabadeedna Nafta ayaa ka baxaysa oo way Bakh-bakhtiyayaan.” Ayuu yidhi,
Cabdirashiid Cabdiwahaab Xuseen oo ah Weriye ka tirsan Telefiishanka Universal oo booqday Dadka ku soo baro-kacay Dadka deggan Dila iyo Kalabayahd dhexdooda, ayaa isago tilmaamaya Xaaladda Dadka halkaa deggan iyo Xoolahoodu ku jiraan wuxuu yidhi, “Haddaad Arki jirtay Qofku marka uu Dhaxmoodo in Hu loo geliyo, Geelan iyo Dameeraha halkan jooga Heeryadii iyo Qobtolkii laga dhigi jiray, ayaa habeennimadii loo daayey si ay dhaxanta uga celiyaan.”
Weriyaha oo War-bixin Dhiillo leh ka soo diyaariyey Xaaladda Dadkaasi ku sugan yihiin isla-markaana Hal habeen ku dhaxay, ayaa Xilli Saq-dhexe ah la kulmay Hooyo Da’ ah oo iyadoo Funnaad gashan fadhida Dugsiga Xero ay ku xeraysnaayeen Neefaf Ido iyo Riyo ah, waxaanu Weriyaha oo Wareysanayaa waydiiyey Magaceeda iyo halka ay ka soo hayaameen, waxayna ku jawaabtay, “Magaceygu waa Dhudi, waxaanu ka soo hayaanay Qodob, meesha Tuunyo la yidhaahdo Qarkeeda.”ayay tidhi.
Weriyuhu wuxuu waydiiyey su’aal ahayd ‘Xaaladdiina ka warran?, laakiin iyadoo Qosol layaab ka muuqdo raacinaysa ayay tidhi, “Hooyo, Xaajo ILAAHAY ayuun bay u tirsan tahay.”
Hooyado oo Kambadhuudha isla-markaana Labadeeda Gacmood is-dhaafisay ayaa ka jawaabtay su’aal laga waydiiyey Dhibaatada dhaxantu ku hayso, “Waa nigaa qadh-qadhaya ee sidaa u taagan” ayay tidhi Hooyo Dhudi oo la wareystay Xilli Saq-dhexe ah, iyadoo Kambadhuudha dhinaca Xerada Adhiga, waxayna intaa ku dartay, “Dhulka aanu ka soo guurnay malaha Dhaxan ee waa Dugsi, markaa Dad iyo Xoolaba dhaxantaa na sii dishay. Haddaanu heli lahayn Bac yar waanu dhisan lahayn.”
Waxa kale oo Weriyuhu uu Muuqaallada uu Xilligan Habeenka ah ka soo duubay Dadkaasi dhibaataysan ku soo bandhigay Carruur yaryar oo meel Bannaan ah jiif-jiif ah, laakiin markii ay Dhaxanta u adkaysan waayeen isku soo ururray isla-markaana shitay Dab, si ay uga dugsadaan Dhaxanta, “Habeenkii ma seexdo oo waan dhaxmoodaan, Maalintiina waan Luloodaa.” Sidaa waxa Weriye Cabdirashiid u sheegay Wiil yar oo Dhowr iyo Toban jir ah.
Muuqaallada kale ee Weriyuhu baahiyey, ayaa waxa ka dhex muuqanaya Rag huwan Go’yaal iyo Bustayaal, Dabna shidanaya.
Dadkan ayaa Cid kasta oo Awood dhaqaale leh uga baahan inay Gacan ka geystaan Gurmadka lagu samata-bixinayo.