|

Dooni ay Saarnaayeen In Ka Badan Boqol Qof oo Tahriibayaal ah oo Ku Degtay Xeebaha Libya,Tirada la Badbaadiyey & Caqabad Soo Wajahday Kooxaha Gurmadka

Roma 16. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dooni ay saarnaayeen Muhaajiriin Nolol raadis ah oo Kor u dhaafaya 100 qof ayaa ku degtey badda Libya, waxaana warar hordhac ah oo ay wakaaladaha wararku Faafiyeen ay sheegayaan in illaa haatan la badbaadiyey afar qof oo keliya oo ka mid ahaa dadkii doonidaas saarnaa.

Illaa sideed meyd ah ayaa la helay, hase ahaatee waxaa hawlgalka baadigoobka caqabad ku noqday cimilada oo xun awgeed, wakaaladda wararka ee dalka Talyaaniga ANSA ayaa sheegtay in hawgalka baadi-goobka lagu bartilmaameedsanayey meel 50 KM u jirta xeebaha Liibiya.

Flavio Di Giacomo oo ah afhayeen u hadlay hay’ada muhaajiriinta caalamka ee IMO, ayaa sheegay in afar qof oo ka mid ahaa 110 qof oo doonta saarnaa in loo gurmaday.

Afhayeenka ayaa sheegay in xog dheeraada la heli doono marka afartaas qof ay gaadhaan xeebaha.

Doonyo Macmal ah oo Lagu daabulo Tahriibayaasha beegsada qaarada Yurub ayaa ka baxa xeebaha dalka Liibiya iyaga oo ka faa’iidaysanaya sharci la’aanta ka jirta xeebaha dalkaas, taas oo kooxaha dadka tahriibiya ay ka hawlgalaan iyaga oo lacago ka qaadanaya Muhaajiriinta isaga kala timi dalal badan oo Afrika oo niyadda ku haya inay gaadhaan wadamada Yurub.

 

Sannadkii inna dhaafay ayaa tiradii ugu badnayd ay ka tallawday badda Mideterranianka, halkaas oo ay ka gudbeen illaa 181,000 oo qof oo ku jihaysan dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Warku Wuxuu Intaas ku darayaa in Tahriibayaashani Tiradooda uga Badani ay Ka Yimaadeen dalalka Galbeedka Afrika.

Comments are closed