|

Gudoomiye Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xubin cusub oo la yidhaa Xuseen Aadan Cade u magacaabay guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Kulmiye.

Qoraal lagu cadeeyey magacaabistan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Ku: Xuseen Aadan Cadde                                                                        =Hargeysa =

 

Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE                                                        =Hargeysa =

Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE                                                         =Hargeysa =

Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud              =Hargeysa =

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

 

 

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

 

  • In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE.

 

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

 

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Comments are closed