“Waxa Kaliya Ee Lagu Ogolaan Karo Saldhiga Ee Uu U Qalmaa Waa Ictiraaf Somaliland Ah, Wax Ka Hooseeya Iyo Shilimo Jeebadaha Lagu Shubtona Laga Aqbali Maayo Xukuumadda Maanta Joogta” Xoghaye Uurcadde
Hargaysa 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa meel adag iska taagay saldhigga militeri ee la weriyey inay xukuumaddu go’aanstay inay dalka Imaaraadka Carabta ka siisyo marsada Berbera oo halbawle u ah qaranka Somaliland.
Xoghayaha guud ee xisbigaas Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo arrintan ka hadlay, ayaa ka digay in dhaqaale cid gaar ah kooban dartii loo wareejiyo buqcado kamid ah dekedda Berbera, waxana uu xukuumadda ugu baaqay in saldhigaasi aanu istaahil ku ahayn wax ka yar ictiraaf uu qaranku ku beddelayo, “Saldhigga Berbera umadda wax yar oo fudud kuma joogo, mana aha meel beeli leedahaye waxa leh Somaliland oo dhan, waana halbawlihii qarankani lahaa, waxa kaliya ee lagu ogolaan karo ee uu u qalmaa oo ictiraaf Somaliland ah, wax ka hooseeya iyo shilimo jeebadaha lagu shubtona laga aqbali maayo xukuumadda maanta joogta” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.
Xoghayuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu quudhsaday hadallada soo baxaya ee sheegaya in saldhigaas lagu beddeshay waxyaabo hooseeya oo hoos u dhigaya meeqaamkii qaranku lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dekeddii Berbera ayaa Baasaboor Abu dubai lagu tegay goysayna laga aqbali maayo, waana sugaynaa dekedda la bixiyey ee awoodda lagu bixiyey waxa umadda loogu qabto uun baa noqon doona wixii shaqeeya, haddii aan umadda loogu soo kordhin wixii horena wax shaqeeya ma aha.”
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo baxayey warar sheegaya inay xukuumaddu go’aansatay inay saldhig militeri dalka Imaaraadka Carabta ka siiso marsada Berbera, waxana isa soo taraya dadka sida weyn uga soo horjeeda saldhigaas, maadaama oo aanu caddayn waxyaabaha kallifaya in xilligan la bixiyo saldhig militeri.