Ciidammada Israel Oo Gantaallo Ku Wareertay Saldhig U Dhow Caasimadda Dalka Suuriya
Lake Tiberias 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Dalka Suuriya, ayaa sheegay in Israel ay weerar gantaallo loo adeegsaday ku qaadday saldhig milatariga Syria ay ku leeyihiin meel u dhow magaalada Dimishiq ee Caasimadda Suuriya, taasi oo dhalisay qaraxyo dhowr oo aad u weyn.
Syria ayaa waxa ay Israel uga digtay “cawaqib xumada” ka dhalan karta “weerarkan ku talo-galka ah”. Waxa kale oo ay sheegtay inay sii wadi doonto la dagaalanka “argagixisada”.
Warbaahinta dowladda Syria ayaa sheegtay in weerarka laga soo qaaday meel u dhow Lake Tiberias ee waqooyiga Israel.
Warka kasoo baxa ciidamada Syria laguma sheegin haddii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, hase yeeshee gantaalaha ayaa dhaliyey dab xooggan.
Israel ayaa hadda ka hor dhowr jeer beegsatay fadhiisimo ay kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan ku leeyihiin gudaha Syria, halkaasi oo maleeshiyada taageerada ka helaysa Iran ay ka dhinac dagaalamaan ciidamada dowladda Syria.
Saraakiisha difaaca Israel ayaa horey walaac uga muujiyey ku lug lahaanshaha Xisbullaah dagaallada sokeeye ee Syria.