|

Fadeexad cusub Oo Wax Is daba Marin Maaliyadeed oo soo wajahday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

Muqdisho 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Fadeexad cusub oo la xiriirta dhinaca Maaliyada ayaa soo wajahday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ka dib markii la waayey lacagihii diiwaangelinta ee ay musharixiintii aan u tartamin xubinimada labada aqal ee Baarlamanka ku shubeen Xisaab-lacageedka Bangiga ee Guddigaas.

Qaar ka mid ah Murashixiinta aan Tartamin iyo kuwa booskooda lagu bedelay Haween ayaa sheegay inay Guddiga Federaalka ee Doorashadda Dadban ka codsadeen in loo soo celiyo lacagahooda Diiwaan-gelinta, maadaama aysan ka qeyb gelin doorashada balse waxay xuseen inaysan ka helin wax jawaab ah.

Lacagaha maqan ayaa lagu qiyaasay in ka badan 400,000 oo Dollar, iyadoo la sheegayo in guddiga doorashada federaal oo kaliya uu awood u leeyahay inuu kala baxo Bankiga.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Murashaxiintii loo diiday inuu u tartamo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa xaqiijiyey in Guddiga Federalka Doorashadda Dadban aysan weli ka helin lacagahooda ayna la yaaban yihiin sababta loo siin la yahay.

Murashaxiin fara badan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa laga joojiyey iney ka qeyb galaan doorashadii xubnaha labada aqal sababo kala duwan awgeed waxay shaki ka badan qabaan qaarkood in lacagtooda la lunsaday.

 

Murashixiinta ragga ee u tartamayey aqalka sare ayaa qofkiiba laga qaadayey ragga $10,000 oo Dollar, halka Murashixiinta Haweenka qoftiiba laga qaaday $5,000 sidoo kale murashixiinta ragga ee aqalka Hoose ayaa iyana qofkiiba waxaa uu bixiyey $5,000 oo Dollar, halka Murashixiinta haweenka $ 2,500 laga qaaday.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaan ka hadlin fadeexadan Maaliyadeed ee ku saabsan Murashixiinta laga joojiyey doorashadda ee loo celin waayey lacagahooda inkastoo ay horey u balan qaadeen iney celin doonaan.

Howlwadeeno magacooda ka gaabsaday oo ka tirsan bankiyada lagu shubayey lacagaha isdiiwaan gelinta musharaxiinta ayaa sheegay in accounada Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban aysan ku jirin wax lacag ah, dhamaan lacagihii lagu shubayna lala baxay.

Comments are closed