Madaxweyne Axmed Siilaanyo & Mas’uuliyiin Ka Tirsan Golayaasha Qaranka oo Ka Qayb Galay Aaska Marxuun Maxamud Axmed Xirsi Dhool Dahable DAAWO
Hargaysa 14. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo ay wehelinayeen Madaxda xisbiyada Qaranka, Xildhibaano, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, taliyayaasha ciidamada Qaranka iyo dadweyne aad u faro badan ayaa maanta Magaalada hargaysa kaga qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool dahable) oo maanta lagu aasay magaalada Hargaysa
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hadal tacsi ah ka jeediyey Munaasabada aaska waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ku suntanaa taariikhda qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, ahaana shaqsi ay ku dheehan tahay dadnimo, karti iyo cibaado saalixa, dadkana isu soo jiida.