Hargaysa:Aasaasaha Madxafka Saryan Museum oo Faahfaahiyey Sababihii ku dhaliyey inuu Madxaf ka sameeyo Somaliland,Mudadii ay Himiladaasi Maskaxdiisa ku Oognayd & Halka uu Maanta marayo Madxafkaaasi
Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Aqoon Yahan/Mujaahid Siciid Shugri Xuseen waxa uu yahay Gudoomiyaha Madxafka Saryan Museum oo Noqonaya Madxafkii ugu Horeeyay ee Somaliland Laga Hirgaliyay.
Madxafkan ayaa laga Helayaa Taariikhihii Kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland Soo Martay Xiliyadii Gumaystihii Ingiriiska, Taariikhdii Midowgii aan Cilmiga Ku dhisnayn ee Somaliland iyo Somalia dhex maray, Dhibaatooyinkii ay Ummadda Somaliland ka Dhaxashay Israacii Somaliland iyo Somalia,Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM Horseedka ka ahaayeen, Go’aankii Dib ula Soo Noqoshada Madax bannaanidda Jamhuuriyada Somaliland, Horumarka ay ku Talaabsatay Somaliland, Waxaa Kale oo Madxafkan laga helayaa Agabka Hidaha iyo Dhaqanka ee Bulshadeena Baadi Soocda ay u lahayd kagana duwanayd Shucuubta Kale ee Adduunka ku dhaqan, Siciid Shugri Xuseen Waa Aqoonyahan, Waana Mujaahid ka soo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta waddanka Isla markaana Xilal kala duwan ka soo qabtay qaar ka mid ah Xukuumadihii isaga kala danbeeyay Xukunka Somaliland,Waxaa Kale oo uu Noqday aasaasihii Madxafka Saryan Museum oo ka dhisan Caasimada Hargaysa.
Siciid Shugri Wuxuu Sharaxay Sababihii ku dhaliyey inuu dhidibada u taago Madxafkan waxaanu qodobadan iyo Kuwo kaleba ku faahfaahiyey xogwaran dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii Tegay ee uu soo Saaro Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.
Ugu Horayn Siciid Shugri Xuseen Wuxuu ka hadlay Sidii uu Ku Yimid Fikirka aasaas ee Madxafkan Saryan Museum Waxaanu Yidhi ‘’ Waa Wakhti Dheer Wuu igu dhamaa Tan iyo Intii aan dhallinyarada ahaa,Xiligii Halgankii ayuu igu sii Xoogaystay Waxaanu qorshahaygu ahaa Sidii aanu u Lumi lahayn Dhaqankii Ummadani lahayd iyo Halgankii aynu soo Marnay,Taariikhda Madxafkani wuxuu ka soo dhex maaxayaa Xiligii Gobonimo doonka,Markii aynu Xornimada qaadanay ee aynu Quusnay Badweyntii Somalia iyo Tii Halgankii SNM Sadexdaas qodob ayuu Madxafkani Koobsanayaa amase Tiirarka uu ku Taagan yahay ay Noqonayaan’’
Siciid Shugri Xuseen waxa Kale oo uu ka hadlay Sidii uu ku soo Uruuriyay Isaga iyo Kooxdiisu Agabka la dhigayo Madxafkan ‘’Soo Uruurintu ma aha Wax Fudud Waa arrin Miisaankiisa leh oo Meel walba aad u Galayso, Cid Wal oo Wax haysana aad ka daba tagayso,Waxyaabo badan helitaankoodu Wuxuu kugu Kelifayaa inaad Meelo dhaadheer ka doonto,runtiina inta badan wax bilaash Kuma yimaadaan waayo dadka Tabaruca Keenaa waa yar yahay, Laakiin Waxaanu awooda Saarnay Kolba Wixii la Heli Karo sidii aanu u Heli lahayn,Xaruntuna Maanta meel wanaagsan ayay maraysaa oo inta badan qaybihii aasaaska u ahaa way dhisan yihiin’’
Siciid Shugri Xuseen Gudoomiyaha Madxafka Saryan Museum wuxuu ka hadlay Mas’uuliyiin & Shakhsiyaad Kale oo Gacan ka siiyay inuu Hindisahani Midho dhalo waxaanu Yidhi ‘’Wixii aan doonayay ee Qalbigayga ku Jiray Ilaahay Wuu ii Suurto Geliyay Balse Waxaa Mudnaanta Leh Maadaama anigu aanan Dhulka laga dhisay Madxafkan lahayn inuu ii Fasaxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo oo Isaga iyo Xubno ka mid ah Wasiiradiisa Sida Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ( Wasiirka Maaliyadda) iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo intooduba gacan buuxda iga siiyay Isla markaana igu Taakuleeyeen Sidii Fikradani u hano qaadi lahayd al xamdulilaah Meel wanaagsan ayay Maantana Maraysaa,Waxaa Kale oo Xaga Ra’yiga iga Caawiyay dad badan oo aan ka soo qaadi karo Marxuun Axmed Cabdi Dacar oo dhawaan Geeriyooday Ilaahay ha u Naxariisto,Waxaa Kale oo Ka Mid ahaa Gudoomiye Muuse Biixi,Maxamed Kaahin,Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cabdiraxmaan Dhool Dahable iyo Dhallinyaro kale oo Ururkii SNM aanu ku wada Jirnay’’
Waxaa kale oo Siciid uu Cadeeyay in Dhinaca Maaliyada ay Gaar u ahayd isaga Isla markaana aanay Jirin Cid Gacan ka siisay Waxaanu Xusay in Wixii Maal ah ee Madxafkan kaga baxay aanay Qiimo ugu fadhiyin Isaga Balse waxa ugu qaalisan ee uu ku iloobayaa ay tahay sida uu yidhi inuu Sameeyay Goob lagu Xasuusto Saaxiibo badan oo dalkan u soo halgamay dhiigoodana u shubay Isla markaana in badan oo ka mid ahi ay Maanta inaga Hooseeyaan oo Geeriyoodeen.
Waxaa kale oo Siciid uu Sheegay inuu isagu Yahay Qofkii Fikirkan lahaa Balse ay Noqonayso Xaruntani Mid dhaxalkeeda ummadda Somaliland u aydo oo Intifaacsato waxaanu ugu baaqay bulshada inay u baahan yihiin Cid kasta oo agab taariikheed Madxafkan kaga qayb qaadanaysa waxaanu xusay in dad badan oo ay ka Mid tahay Xaaskiisu ay Miyiga u baxeen isla markaana ka soo Uruuriyeen Waxyaabihii hidaha iyo dhaqanka aynu u lahayn, isagoo intaas ku daray inay Jiraan rag Tabarucaad keenay Isagoo Tusaale u soo qaatay Muwaadin Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo Xarunta u keenay Qoraalo Document ah oo ah Wixii laga qoray Somaliland iyo Somalia Sodonkii Sanno ee u danbeeyay Sidoo Kale Wuxu Xusay Cabdi Ismaaciil Duse iyo Rag kale oo u Keenay daraasad badan.
Siciid Shugri Waxaa kale oo uu ka hadlay inay Jiraan Wax Caqabad ah oo kala Soo dersay Mudadii uu ku dhex Jiray aasaaska iyo dhidibo u Taagida Madxafkan waxaanu Yidhi ‘’Run ahaantii Wax Fikirkan igaga hor Yimid Maan arag laakiin dad ayaa markii aan Meesha dhisayay Kolba Magacyo ku Sheeg Sheegi Jiray balse waxaan aaminsanahay in dadka loo Sharxo waxan la qabanayo Xaqiiqo ahaana Wax kasta oo Wanaag ah oo la Samaynayo Wax kale oo ka soo Hor jeeda ayaa garab socda,Kuwaas oo doonaya inay dadka Xaqiiqadii ka Weeciyaan,Laakiin hadii ay dhacdo Cid ka hor timaada waynu Soo dhawayn oo dhanka wanaagsan ayaynu ka tusi anagoo u Sharxi doona waxaanu qabanayno Wuxuu Yahay’’ ayuu Yidhi Siciid Shugri.