|

Maxay Xukuumaddu Ka Tidhi Suldaan Wabarkii Mucaaridka Ahaa Oo Mar Kale La Sheegay Inuu Dhaqdhaqaaq Amni Darro Ka Soo Abaabulayo Goob Ku Taalla Gudaha Itoobiya?

Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mud. Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahintu wax ka waydiisay bal waxa uu kala socdo wararka sheegaya in Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Awdal ooh ore Somaliland ugu kacsanaa uu mar kale soo rogaal celiyey oo ay wararku sheegayaan in uu wakhtigan ku sugan yahay Gudaha Dalka itoobiya ayaa sheegay in ay maqleen arrinkaasi balse aanay ogayn waxa uu ninkaasi u socdo iyo waxa uu damacsan yahay toona.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan og yihiin oo malqeen in arrintaasi jirto balse sababta uu Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar u socdo ee uu u yimid dalka Itoobiya aanay garanayn iyo ujeedada ka dambaysa ee uu leeyahay toona balse sida uu sheegay in aanay marnaba Somaliland aqbalayn in wax amniga khalkhal galinaya ay ka dhacaan dalka isaga oo xusay in Itoobiya ay Somaliland la wadaagto heshiis dhigaya in aan dalna lagaga soo duulin dhinaca kale oo aan wax dhibaato gaysanayaa dhinaca kale kaga iman taasina uu rajaynayo in ay ku shaqaynayso xukuumadda Itoobiya.

Wasiir Sacad Cali Shire oo arrintan ka hadlayay waxa uu yidhi: “Horta kollay Arrinkaasu wuu jiraa. Sababta uu u yimid iyo cidda ka dambaysana iyo waxa uu doonayo midna anigu ma ogi. Meel lagu caddeeyey anigu ma ogi. Laakiin waynagii hore uga wada hadalnay innagu raalli kama nihin cid innaga soo hor jeeddaa in ay innooga soo gasho Itoobiya innaguba sida aynaan u ogolayn in cid Itoobiya la dagaalamaysaa Itoobiya in ay innaga innoo soo dhex marto oo heshiis baa ka yaalla oo hore aynu uga wada galnay arrimahaasi waxaanan rajaynayaa in heshiiskaasi aynu hore u wada galnay ay cid waliba fulin doonto” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire.

Suldaan Abaabakar Cilmi Wabar oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Awdal ee Somaliland ayaa hore xaalado amniga halis galin kara waxa uu ka abaabulay dhinaca galbeed ee Gobolka Awdal gaar ahaan gudaha dalkaasi Itoobiya isaga oo koox ka amar qaadataa dhawr fal oo amniga ku lid ah hore uga gaysteen gudaha Gobolka Awdal balse muddo kadib sida la sheegay ay xukuumadda iyo Suldaankaasi is fahmeen oo ku heshiiyeen in uu falalkaasi lidka ku ahaa qaranka uu faraha ka qaado kuna laabto qurbaha oo uu markii hore ka yimid balse mudadaasi kadib aan wax dhaqdhaqaaq ah laga arag isaga iyo kooxdii uu abaabulay toona.

Lama oga xaaladda dhabta ah ee Suldaan wabar balse wararka ayaa sheegaya in uu soo rogaal celiyey oo uu doonayo in uu halkiisii ka bilaabo oo ka hor yimaad Somaliland isaga oo la sheegay in uu wakhtigan ku sugan yahay gudaha dhinaca Itoobiya oo ay ku yaallaan deegaamo uu dhalasho ahaan Suldaankani ka soo jeedo.

Comments are closed