Cali Guray Oo Guurtida Ku Dhaliilay Muddo Kordhimihii Hore Sheegayna In Ay Maanta Ku Habboon Tahay, Haddii Ay Laba Sano Ku Dhuftaana Uu Hambalyeyn Lahaa
Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano Cali Guray oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii 3aad ee hore ee Xisbiga UCID ayaa sheegay in Muddo kordhimihii hore ee Golaha Guurtida Somaliland samayn jiray ay ahaayeen kuwo aan inta badan la marin nidaamka saxda ah ee rasmi ahaan ay u adeegsadaan qodobka Dastuuriga ah ee 83aad ee ak warramaya duruufaha muddo kordhinta balse ay maanta la gudboon tahay in ay qodobkaasi sida uu dhigayo ee rasmiga ah ee ka turjumaysa xaaladda dhabta ah ee dalka inta ay adeegsadaan ay muddo kordhin sameeyaan ay dib ugu dhigayaan doorashada innagu soo foolka leh ee la sugayay dabayaaqada Bisha March ee sannadkan maadaama dalku galay xaalad adag oo abaareed.
Siyaasi Cali Guray waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu intii ay hore muddo kordhin u sameeyeen ay maanta ku habboon tahay in ay adeegsadaan Qodobka 83aad ee Dastuurka Somaliland oo ku habboon buu yidhi xaaladda maanta isaga oo dhinaca kalena sheegay in uu ku hambalyeyn lahaa haddii ay laba sanadood ku dhuftaan sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee saddexaad ee Xisbiga UCID oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu qoraal kooban sidaasi ku sheegay mar uu facebook ku baahiyey faallo arrinkaasi la xidhiidha oo u dhignayd sidan: “Guurtidu hadii ay doonayso inay muddo kordhin samayso maanta ayuu Article 83 inay u adeegsadaan sax yahay. Intii hore ey muddo kordhin sameeyeen duruufaha ku xusan Q. 83 ee Dastuurka Somaliland sax may ahayn maantase cid odhan karta sax maaha ma jirto marka aynu ognahay abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
Laba sanadood beri ha ku dhuftaan anigu ka ugu horeeya ee hambalyaynaya ayaan ahay. Laakiin gurmadka abaartu waa wax kale oo sidiisa in looga hadlo u baahan kumana xidhna in doorashada la qabto iyo in aan la qaban. Laba sanadood hadii la kordhiyo damaanad uma noqon karto in Gurmadka Abaartu uu noqon doono sidii loo baahnaa waayo waa hawl gaar ah oo u baahan in sideeda loo wajaho waxa aanay wax badani ku xidhan yihiin sida loo mareeyo iyo qaabka loo dhiso marka ugu horaysaba Maaraynta Gurmadka oo ah aafo dabiici ah. Waana halka aniga uu werwerka ugu wayni iga hayo. Doorashada in la qabto iyo in aan la qabani aniga wax werwer ah iguma hayso maanta oo nin qoyani biyo iskama dhawro. Somaliland doorasho qabsoomi wayda iyo muddo kordhini wax u cusub maaha”. Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray oo inta badan ka faallooda arrimaha hadba taagan wakhtigana ah siyaasi u janjeedha dhinaca Muxaafidka kadib markii uu ku hungoobay xisbigii UCID ee uu ka mid ahaa isaga o raacay garabkii Jamaal Cali Xuseen ee xisbigaasi lagaga awood roonaaday.