|

Libin Ku Geeraarka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Cusub ee Golaha Shacabka Somalia & Dulucda Khudbadiisii Guusha DAAWO

Muqdisho 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u doorteen Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo Tartan adag la galay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

Doorashada Kaddib Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in aanu jirin Cid laga guuleeystay laakiin ay wada guuleysteen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dhameystiray Hogaankiisa.
Cabdiwali Sheekh Ibraahin Muudeey, ayaa yiri “Waxaa cajiib ah sida Xildhibaanada ay uga jawaabeen baaqeygii ahaa inaysan dooran shakhsi ku fashilmay siyaasadda dalka, waxna aan ka garanayn taariikhda dalkeena.”
Waxaana uu balan qaaday in ay la imaan dooanaa Shaqo hufan iyo in ay howsha adag ee hortaal si daacadnimo ay ku dheehan tahay uga soo bixi la haayeen howlaha loo idmaday.
C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa Horey u soo qabtay Xilkan uu ku guuleystay oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Ee Baarlmaanka Soomaaliya oo uu ahaa sanadkii 2012-kii.

Comments are closed