|

Kulamo Hoose Oo Lagaga Soo Horjeedo Saldhiga Milatari Ee Imaaraatka Oo Bilaabay Iyo Wasiir Sacad Oo La Sheegay Inuu Diiddan Yahay Inuu Saxeexo & Xukuumadda Oo Dabada Ka Riixaysa

Hargaysa 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta Iyo Haldoorka Kasoo Jeeda Deegaannada Gobolka Saaxil ayaa labadii maalmood ee udambeeyay shirar ku iskugu yimid Goobo kala duwan oo Magaaladda Hargeysa kuyaala, Waxaana la sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan Saldhiga Milatari ee Dawlada Imaaraatka laga siiyay Marsada Berbera,waxaana sidoo kale la sheegayaa inuu diiday Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire inuu saxeexo heshiiskaasi,isagoo Muuqaal laga qabtay ka sheegay inuu saamaynteeda leeyahay oo loo baahan yahay inay Somaliland aad uga fiirsato.

Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay in Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Deegaanka Gobolka Saaxil ee Berbera ay Xukuumadda ku cadaadinayaan inaanay ku deg deggin Heshiiska saldhigga milatari ee la sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka siisay Dawlada Imaaraatka Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Berbera,Waxaanay sida la sheegay Labadii maalmood ee u dambeeyay ay kooxahani shirar iskugu imanayeen Huteelada kuyaala Magaaladda Hargeysa oo ay kaga arinsanayeen qaabkii ay Heshiiskaasi u joojin lahaayeen, iyagoo sida la sheegay u arka inuu Saldhigaasi khatar ku yahay Dadka Deegaankaasi ku dhaqan inay qaab xor u adeegtaan,islamarkaana uu ka mid yahay Mid lagu cabudhinayo Shacabka reer Saaxil.

Warar kale ayaa sheegaya in Kooxahani ay kulamo u qabteen Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil,Kuwaasi oo ay u soo jeediyeen inay ka hadlaan oo ay aragtidooda ay ku diidan yihiin Saldhigaasi oo ay ku baahiyaan Warbaahinta dalka, Waxa kale oo ay sida la sheegay kulamo laqaateen Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire,waxaanay u sheegeen inuu aad uga foojignaado oo aanu ku deg degin saxeexida Saldhiga Milatari ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiiska kula gashay Dawlada Imaaraatka Carabta ee laga siiyay Madaarka Magaaladda Berbera.

Dhinaca Kale Wasiir Sacad oo Doraad ka hadlay Saldhiga Milatari ee Imaaraatka Laga siiyay Berbera ayaa sheegay in arintaasi saamaynteeda leedahay,islamarkaana ay si gaar ah u taabanayso Dawlada aynu saaxiibka nahay ee Itoobiya oo uu sheegay inay si gaar ah u saamaynayso,Waxaana uu yidhi “Saldhigyo Milatari sidoodaba War warkooda way leeyihiin,Manfacoodana waa leeyihiin,Inaga waxa inoo yaala Soomaaliland ahaan waxa weeyi sidii saaxiibadeena labadaba aynu u ilaashan lahayn,Itoobiya waa Wadan Badda ka xidhan,Imika waxay isticmaalaan Dekeda Jabuuti oo keli ah, Qorshuhu waxa weeyi,kan Berberana inay isticmaalaan,kolkaa Wax kasta oo saamaynaya Marinada ay la leeyihiin Badaha,War warkeeda ay leedahay”. Ayuu yidhi Wasiir sacad

Comments are closed