|

Maraykanka oo Shaaciyey in Ciidamada Daacish ee Duulaanka ku ah Mousel ay Adeegsadeen Diyaarado ay Ku Weerareen Magaaladaasi

Mousel 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Taliska dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in kooxda daacish ay dagaalkeeda magaalada Mousel u isticmaalayso diyaarado yaryar oo ay ku soo weerareen fadhiisimada ciidamada Ciraaq.

Kornayl Birit Silvia oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Maraykanka isla markaana qaabilsan hawlaha taakulo gaadhsiinta ciidamada aaggaga hore ee dagaalka dalka ciraaq ayaa sheegay in ururka daacish ay diyaarado yaryar ka soo buuxinayaan waxyaabaha qarxa, kana soo ridayaan rasaasta boobayaasha fudud kuwaasoo ay ku laayeen oo waxyeelooyin ugu gaysteen ciidamada dawlada ciraaq ee isku deyaya inay dib u qabsadaan magaaladaas Mousel.

Kornaylka Maraykanka ahi waxa uu intaa ku daray in inkastoo ay daacish diyaradahaa yaryar ka soo ridayaan rasaas ay waxyeeladeedu u dhiganto bumbada gacanta laga tuuro ay hadana tahay mid ay ku xaqiijiyeen hadafkii ay ka lahayeen oo ah dilka ay u gaysanayaan ciidamada ciraaq iyo cabsida  ay ku abuureen ciidan weynaha.

Comments are closed