|

Waddanka Sudan oo Yeelanaya Laba Raysal Wasaare Si Khilaafkii Siyaasadeed Meesha Looga Saaro

Khartum 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga haya talada dalka Sudan ee Koongareeska ayaa sheegay in ka hor inta aan la dhisin Xukuumad midnimo qaran la magacaabi doono xubin raysalwasaare noqota oo xukuumadaa laga sugi doono.

Cabdul malik bariir oo qaabilsan madaxa xafiiska siyaasadda  ee xisbiga dhexe ee Sudan ayaa u soo jeediyey axsaabta kale inay ka war dhowraan magacaabista madaxweynaha ee jagada raysalwasaaraha, una diyaar noqdaan hadii dhanka asxaabta mucaaradka laga magacaabo.

Dib u habaynta siyaasadeed ee awoodda dalka ay ku qaybsanayaaan asxaabta siyaasada ee wadankaasi,  laguna dhisayo xukuumad midnimo qaran ayaa soo jeedinteeda waxa lahaa madaxweyne Cumar xasan Al-bashiir waana qorshe uu ugu talogalay in lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee wadankaa ka jira laguna gaadho deganaansho iyo xasilooni waarta.

Comments are closed