|

Yaa ku soo bixi doona Doorashada Guddoonka Baarlamanka Somalia ee  Saaka ka Dhacaysa Magaalada Muqdisho? Warbixin

Muqdisho 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Diyaar-garowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho taasoo lagu wado inay dhacdo Maanta oo Bishu Tahay 11-ka January ee sanadka 2017-ka.

 

Afar musharax ayaa ku hardamaya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kuwaasoo kala ah, Idiris Aadan Dhakhtar, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, Prof. Max’ed Cismaan Jawaari oo xilkan difaacanaya iyo C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey).

 

Doorashadan ayaa xiise gaar ah leh, waxaana natiijadeedu saadaal aan toos aheyn ay ka bixineysaa cida laga yaabo iney ku soo baxdo doorashada xigta ee Madaxweynaha, waxayna daaqada ka saari doontaa musharaxiin badan marla la eego habka awood qeybsiga beelaha ee xilalka sare ee dowlada.

 

Labada musharax ee loogu hadal heynta badan yahay ayaa kala ah xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig iyo Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo loolanka ugu adag uu dhax mari doono sida la filayo.

 

Saadaasha ugu badan ee la bixinayo ayaa muujineysa in Prof. Jawaari uu yahay musharaxa ugu cad cad ee laga yaabo inuu doorashadan ku soo baxo inkastoo C/rashiid Xiddig laftiisa aan la dhayalsan Karin uuna wado olole culus.

 

Haddii Prof. Jawaari loo doorto xilkan waxay meesha ka saareysaa musharaxiinta ka soo jeeda beelaha dega Bay iyo Bakool ee u taagan doorashada Madaxweynaha sida Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koonfur galbeed.

 

Haddiise uu guuleysto Xiddig oo ka soo jeeda beelaha Daarood waxaa meesha ka baxaya taas bedelked musharaxiinta beelahaas ka soo jeeda ee u taagan xilka madaxweynaha Somalia, sida Cumar C/rashiid, Faroole iyo rag kale oo dhamaantood ka soo jeeda degaanada Puntland kuwaasoo hadda olole xoogan wada.

 

Sidoo kale, doorashada xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa iyana xiise gaar ah leh, waxaana isku soo taagay musharaxiin ay ka yihiin guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar, xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir oo tartanka gadaal kaga soo biiray iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo horey u soo noqotay wasiir, waxaana dad badan ay saadaalinayaan in Faarax Shiikh C/qaadir uu xilkan ku soo bixi karo inkastoo wax kasta ay isbedeli karaan.

 

Musharixiinta ayaa illaa xalay olole xooggan ka wada magaalada, iyagoo watigooda ugu badan la qaadanaya xildhibaanada baarlamanka ee Maanta dooranaya gudoonka cusub ee baarlamanka Somalia.

Comments are closed