Yaa ka Dambeeya Dib u dhaca Doorashada Xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ?
Muqdisho 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Waxaa marar kala duwan dib u dhac ku yimid Doorashada Xubnaha Aqalka sare ku matali lahaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, walina lama oga xiliga rasmiga ah ay doorashadaasi ka dhici doonto magaalada Muqdidsho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay siyaasad ka dambeyso dib u dhaca Xubnaha Aqalka sare ku matalaya gobolada Waqooyi, waxaana faragalin ku haya doorashadaasi masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Guddiga doorashooyinka.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada xubnaha aqalka sare ee goboladda waqooyi Gen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyay dib u dhaca ku yimid Doorashada Aqalka sare in ay ka dambeeyaan Guddiga Doorashpooyinka Heer Federaal iyo Masuuliyiin katirsan dowlada.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in mar hore u diyaar garoobeen qabashada doorashada Xubnaha Aqalka sare balse aysan qabsoomin doorashada , waxa uuna tilmaamay in ay gacmo kale ku tuhmayaan in ay dano ka leeyihiin doorashada Xubnaha Aqalka sare.
Waxaa is qab qabsi uu ka taagan yahay xubno cusub oo lagu soo daray Musharaxiinta Xubnaha Aqalka sare ee horey u diiwaan galiyeen Guddiga Doorashooyinka, waxaana xubnahaasi gadaal ka riixaya masuuliyiin sare oo katirsan Dowlada.
Doorashada Xubnaha Aqalka sare ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa la filayay in lasoo gabo gabeeyo isbuucii hore , hasa ahaatee doorashada ayaana wali qabsoomin lamana oga xiliga ay dhici doonto.