|

Qaabka ay Xukuumadda Somaliland u Qeybisay Ceelasha Labaddii Sannoo ee u Dambeeyey Laga Qoday Dalka+ Dhibta Ka Dhalan Karta Saluuga Deegaanada La Qadiyey

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Labadii sannadood ee u dambeeyay waxa Somaliland laga qoday ceelal biyood oo uu maalgeliyay Baanka Horumarinta Islaamka, ka dib markii ay Somaliland ka dhaceen abaaro adag oo ay tii u dambaysay hadda taagantahay.

Ceelashan oo ay tiradoodu ahayd 18 ceel, waxa la qoday 16 ka mid ah oo laga hirgeliyay goballada Saaxil, Togdheer, Awdal, Sool iyo Sanaag. Deegaanada ceelashan laga qoday, ayaa waxa qorshaysay madaxtooyada Somaliland iyo wasaaradda biyaha, waxaana hadhsan laba ceel oo iyadana loo qorsheeyay in midna laga qodo gobalada bari midna gobalada galbeed.

 

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaala oo ku dhow dhow wasaaradda biyaha Somaliland, mashruucan waxa ku baxay lacag ku dhow lix milyan oo dollar, waxaana qaar ceelashan la qoday ka mid ah dhawaan xadhiga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo, safarkii u dambeeyay ee uu ku tagay gobalada bari ee dalka.

Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika, ceelasha la qoday iyo deegaanada laga qoday ayaa kala ah:

 

  1. Magaalo-cad (Awdal)
  2. Sharaf Weyn (Awdal)
  3. Cabdi Geedi (Awdal)
  4. Banka Goobaare (Saaxil)
  5. Qoryaale (Togdheer)
  6. Xaaxi (Togdheer)
  7. Ceel-xume (Togdheer)
  8. Goljano (Togdheer)
  9. Qabri-huluul (Sool)
  10. Adhicadeeye (Sool)
  11. Xalin (Sool)
  12. Lafo-weyne (Sool)
  13. Ardaa (Sanaag)
  14. Jiidali (Sanaag)
  15. Huluul (Sanaag)
  16. Laasqoray (Sanaag)
  17. Hal ceel oo aan la qodin oo gobalada bari loo qorsheeyay
  18. Hal ceel oo isna aan la qodin laakiin gobalada galbeed loo qorsheeyay

Ceelashan ayaa dhammaantood la dhameeyay, marka laga reebo laba ceel oo qodistoodu socoto. Inkastoo deegaanada ceelasha laga hirgeliyay ay ka jirtay abaar ba’ani, haddana dad badan ayaa qawadsan qaabka saami ee loo qaybiyay ceelashan marka loo eego deegaannada oomanaha ah ee dalka. Tusaale ahaan gobalka Maroodi-jeex oo ah gobal balaadhan oo ay ku nooshahay bulshada ugu badan ayaan haba yaraate hal ceel laga qodin.

 

Deegaannada gobalka Maroodi Jeex ee oomanaha ah xitaa marka aanay abaartu badnayn waxaa ka mid ah degmada Sallaxley oo iyada aan weli laga fulin mashruuc riig loogaga qodayey deegaanka Qool-caday oo hore xukuumadda Somaliland u ballan qaaday.

Waxa kale oo ka mid ah deegaannada degmooyinka Salaxlay, Gabiley, Baligubadle iyo Sayla oo mar kasta baahi biyood ka jirto, balse aan ka dhex muuqan qaybinta xukuumadda ee ceelashan ay dhowaan hirgelisay.

Comments are closed