|

Afhayeenka Al-Shabaab Oo Waraysi Uu Al-Jasiira Siiyey Kaga Hadlay Doorashada Soomaaliya, Xulista Amiirradooda iyo Weerarrada Huteellada

Muqdisho 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo wareysi siiyay TV-ga Al-Jazeera, ayaa ka hadlay Aragtida Al-Shabaab ee la xidhiidha doorashooyinka Federaalka Soomaaliya.

Cali-Dheere, ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan aanay ka jirin wax doorasho ah, laakiin ay ka socdaan wax lagu tilmaami karo sida uu hadalka u dhigay xulasho Shaqsiyaad.
Mar la weydiiyay su’aal aheyd in Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay shaqsi ku soo darsadeed uga qeybgala doorashada.
Afhayeenka Al-Shabaab oo su’aashaa ka jawaabayey, waxa uu yidhi; “Wax sax ah ayaa wax lagu darsadaa oo xaq ah, waxa ka socda meesha waa baaddil, waa xaq-darro xaq-darrana waxba laguma darsado.’’
Waxaanu Cambaareeyey in Haweenka lagu daro xulistaas, taasoo uu ku tilmaamay mid Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalidaba ka soo horjeedda, isla markaana ay tahay dhaqan Reer Galbeedku u soo waarideen Soomaaliya oo ay doonayaan inay danohooda gaarka ah ku fushadaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu cambaareeyey nidaamka Soomaaliya wax ku qaybsato ee afar dhib shanta ah (4.5).
Siddoo kale, Afhayeenka Al-Shabaab mar wax laga weydiiyay waxa ay laftigoodu kaga duwan yihiin dawladda maddaama oo Amiirradooda aan la soo dooran, laakiin la soo xusho, waxa uu ku dooday in dariiqa ay ku soo xushaan Amiirradoodu yahay mid waafaqsan Shareecada Islaamka, balse waxa Soomaaliya ka socdaa aanay waafaqsanayn ee ay xaq-darro tahay.
Cali-Dheere waxa kale oo la weydiiyey weerarrada ay ku qaadaan Hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho ee ay Dadka Shacabka ahi leeyihiin sababta ay u bartilmaameedsadaan, waxaanu ku dooday sheegay in goobaha ay Bartilmaameedsadaan yihiin sida uu hadalka u dhigay 95% kuwa ay deggan yihiin Shaqsiyaad la shaqeeya dawladda, isaga oo meesha ka saaray inay weeraraan Huteellada Shacabku ku sugan yahay.
“Dhammaan Huteellada ku yaal waddada Maka Al Mukarama ma aha Huteello caadi ah, waxa ay la mid yihiin Xeryo Ciidan, weli maannaan weerarin Huteellada Shacabku leeyahay ee ku yaal Bakaaraha, Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Dheere.
Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab Cali-Dheere, ayaa ku soo beegmaya wakhti la marayo maalmihii u danbeeyay ee hawsha doorashada Soomaaliya, isla markaana Baarlamaanka Aqallada Sare iyo Hoose inta badan Xildhibaannadooda la dhaariyey, loona diyaar-garoobayo doorashada Shir-guddoonka iyo doorashada Madaxweynaha. Waxa uu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli ay maalmihii u dambeeyey qaraxyo is-daba-joog ahi ka dhacayeen Muqdisho, kuwaasoo ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsanayso goobo dawladdu leedahay iyo goobo Shacab oo ay la xidhiidhinayaan dawladda sida uu ku dooday Afhayeenku.

Comments are closed