|

“Haddii Dadka Ka Soo Jeeda Iyo Murashaxa Xisbiga Waddani C/iraxmaan Cirro, Ay Ka Rabaan Shaxaad Ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw-siciid Dariiqan, Dariiq Aan Aheyn Inay U Soo Maraan Ayey Aheyd..” Fannaanada Sahra Halgan

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaa in sheexaad ay ka doonayaan ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw Siciid Geedi, isla markaana waxay difaacday taageerida murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.”Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay af-qabyaaladeed ku hadlaan? Carruurtii iyo ubaxii dalka Somaliland ayey dhagihii ka wasakheeyeen. Anigu kuwan aqoon yahano uma aqaano. Jahli u adeegayaal weeye. Anigu mid baan fahmi waayey, waxaad arkaysaa dad dam ah oo bii (B.J), iyo ja toona kala saarayn oo sheeganaaya aqoon yahan iyo indhagarad.ā€¯Sidaa waxay ku sheegtay qoraal kooban nuqul ka mid ah oo soo gaadhay xafiiska wararka ee Shabakada Qurbejoog.com ee Magaalada Hargaysa.

Sahra Halgan oo arrimahaa ka sii hadlaysa waxa ka mid ahaa hadalkeedii sidan:-“Anigu kolkaan eegay waxaan ogaaday in magacyada ku talo gal loo adeegsado oo loo yidhaahdo bal kan dhagaysta aqoon yahanka sheeganaaya, looguna joogsado. Samcable intay dalka u qabatay, umaydaan qaban ragga aqoon yahanada isku sheegayow, af qaawan baad la soo taagan tihiin. Qofka ganacsadaha ah xaq buu u leeyahay innuu taageero xisbiga uu doono oo uu maalkiisa ku shubo xisbiga uu doono. Gacansadaha ina Aw-siicid xor ayuu u yahay innuu taageero murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, maalkiisa iyo lacagtiisana ku shubo ee illahay ayaa siiyey eel agama xumaado. Haddii dadka ka soo jeeda iyo murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ay ka rabaan Ina Aw-siciid sheexaad dariiqan, dariiq aan aheyn in loo soo maro oo caadi loo waydiisto ayey aheyd ee ma haboona in ragga xisbiga waddani sheeganaaya inay wax ka sheegaan Ganacsadaha Maxamed Aw-siciid ee Samcable. ”

Sahra Halgan ayaa Hore uga Mid ahayd Xisbiga Waddani Iyadoo Ka Baxday Xisbigaas Kadib Markii ay Caddaadis uu Soo Wajahay Ganacsigeeda Huteel Hido Dhawr kaas oo Kaga Yimid dhinaca Xukuumadda.

Comments are closed