|

Qoraal Ay Gabadh Da’ Yar Oo reer Lubnaan Ahi Ku Saadaalisay Halka Ay Xabaasheedu Ka Qodnayd  Oo Ay Markii Dembe Ku Khaatumaysatay Isla Markaana Rumoobay

Beirut 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Gabadh u dhalatay dalka Lebanon oo lagu magacaabo Rita Chami, ayaa saadaalisay in ay ku dhiman doonto dalka Turkiga ka hor inta aanay ka bixin dalkeeda Lubnaan una dhoofin magaalada Istanbuul ee Turkiga, taasoo ay saadaasheedi u rumawday.

 

Rita Chami, ayaa qoraal ay baraha Bulshadu ku kulanto soo dhigtay ku sheegtay inay ku dhimanayso Turkiga. Gabadhan oo 26-sano jir ah, waxna ka baranaysay Jaamacadda American University of Science and Technology ee dalka Lubnaan, ayaa maalmo ka hor inta aanay u bixin Turkiga waxaa geeriyootay Hooyadeed oo uu haleelay Cudurka Kansarka, waxaanay ka murugaysnayd geerida ku timi Hooyadeed.

 

“Waxaan waqti fiican oo farxad ah ku soo qaadan doonaa Turkiga, waxaanse dareemayaa xaalad adag oo werwer wadata oo ku aaddan in aan halkaasi ku dhiman doono oo aan raaci doonno Hooyaday.” Sidaa ayey tidhi Rita Cami oo ay barteeda Facebook ku soo qortay markay ka soo baxaysay dalkeeda Lebanon.

 

Qoraalka ay Gabadhani ku saadaalisay in ay ku dhiman doonto dalka Turkiga, ayaa si wayn ugu faafay Baraha Bulshada, waxaa sidoo kale Warbixinno kala duwan ka qoray Wargeysyada iyo Wakaaladaha Caalamka.

 

Rita Chami, ayaa ka mid ahayd 39 Qof oo lagu dilay Weerar Nin hubaysani ka geystay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbuul Habeenkii uu soo galayey sannadka cusub ee 2017-ka oo halkaas loogu dabbaal-degayey, waxaana weerarkaasi dadka ku dhintay ku jiray Ajaaniib badan oo halkaas Dalxiis u joogay.

Comments are closed