|

Dalka Switzerland oo Raadinaya Dad Soomaali ah oo magacan Galyo Waydiistay

Switzerland 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Hay,ada Socdaalka Ajanabiga u qaabilsan Dalka Switzerland ayaa sheegtay in dalkaasi sanadkii 2016 ay soo gashay 2,700 oo Soomaali ah kuwaas oo dhamaan isaga baxay dalkaasi kadib markii ay uga sii gudbeen waddamo kale.

 

Hay,adan ayaa hada radinaysa 492 Qof oo si gooni ah u waydiistay magan galyo kuwaas oo kadib aan lahayn cir iyo dhul meel ay aadeen sababna waxaa looga dhigay inay dalkaasi isaga baxeen kadib markii ugu yaraan 3 Sanno ay sugayeen sharciga oo aad uga daahay awgeed saga gudbeen dalkaasi.

 

Qaxootigan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday dalalka kala ah Soomaaliya,Aljaria iyo gana waxaana ay laanta socdaalku raadinaysa dadkaasi ay magacan galyada sii siisay in kasta oo ay heshay xog ah inay uga sii gudbeen waddamada Taliyahaaniga iyo Giriiga.

 

Jaaliyada Switzerland ee Soomaalida ah ayaa wadda dadaalo ay ku doonayaan inay dadka Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada iyo qaraxyada ka dhacay dalka Soomaaliya ee iska dhiibaya dalkaasi ay ka helaan dib u dajin iyo sharci ay ku joogaan dalkaasi.

Comments are closed