|

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u diray Ciidanka Qaranka Iyo Qoyskii uu Ka Baxay Abaanduulihii Ciidamada Qaranka oo Geeriyooday

Hargaysa 07. January 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abbaanduulihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland, Marxuum Sareeyo guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday  Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo guud ahaan ciidamada Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. Marxuumka waxa uu madaxweynuhu ku siyeeyey sarkaal halkar iyo daacadnimo u dheerayd ciidanimadiisa, door muhiimana ku lahaa guulaha ciidamada qaranku ku talaabsadeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada qaranka, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka,  qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed