|

“Somaliland Arrinkeedaa Mar walba Fashilka Keenayey intaan Xilkan…” Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid

Muqdisho 06. January 2017 (SDN/QJ):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ahna Musharrax u tartamaya Madaxweynaha dalkaas, ayaa intii uu Raysal-wasaaraha ka ahaa Xukuumadda hadda jirta iyo Xukuumaddii Sheekh Shariif-ba waxa mar walba fashilka ku keenayey inay tahay qaabka loola macaamilo Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Cumar Cabdirashiid sidaa ka sheegay kulan Beerlaxawsi Siyaasadeed iyo taageero doon ah oo uu Qado ugu sameeyey magaalada Muqdisho shalay Xildhibaannada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee k u soo baxay doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan qabaa in Shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah ay dhibaatooyin badan kala gaadheen haddii aan Siyaasadda saxno wax walba waa ku guuleysan karnaa. Waxaan xoogga saari doonaa haddii Alle ii qaddaro xilka aan raadinayo Midnimada Ummadda.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey Kulankaas.

Cumar Cabdirashiid mar uu si gaar ah uga hadlayey arrinta Somaliland, waxa uu yidhi; “Arrinta Somaliland waa in si buuxda loogala tashadaa Dadkii ay taladu ka go’aysay, waana arrimaha mar walba fashilka keenayay intii aan xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, waxaan aad xoogga u saarnay in talada ay ka go’do Dadka arrintan sida gaarka ah ay u khuseyso.”

Musharrax Cumar Cabdirashiid, ayaa tilmaamay inta la helayo Midnimo dhammaystiran iyo is cafis guud oo Bulshada Soomaaliyeed dhex-mara ay wax badani ka dhiman yihiin wada-jirka Shacabka Soomaaliyeed. Waxaanu Codsaday in Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi sida uu hadalka u dhigay ee Somaliland ay Codkooda siiyaan, si uu arrimahaas iyo kuwo kale-ba, wax uga qabto haddii uu Madaxweyne noqdo.

Xubnaha Xildhibaannada ka ah Soomaaliya iyo kuwa kale ee Xilalka ka haya Laamaha dawladda ee u dhashay Somaliland ee uu Cumar Cabdirashiid shalay kulanka la yeeshay, waxaa ka mid ahaa; Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xildhibaan Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta Xildhibaan Maxmaed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale, kuwaas oo uga mahad-celiyey Raysal-wasaaraha Qado-sharafta uu ku maamuusay.

Comments are closed