|

”Anigu Ma Baqo, Walaahi in aydaan maydkayga ku soo dhawaan karin iska daa aniga oo noole,Maalintii Xisbi Habar Yoonis ahi Soo Baxay Odhan Maayo… ” Wasiir Caddaani DAAWO

Burco 06. January 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE aanu uga bixi doonin hanjabaado ay u soo diraan taageerayaasha xisbiga WADDANI, kuwaasi oo ugu hanjabay in ay khaarajin doonaan haddii uu ka waantoobi waayo xisbiga KULMIYE ee uu ka tirsan yahay.

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo hadal ka jeediyay kulan uu magaalada Burco kula qaatay dhallinyarada magaalada Burco, ayaa sheegay in uu wakhti badan iyo maal badan u soo huray xisbiga KULMIYE, waxaannu xusay in aanay suuragal ahayn in uu wakhti xaadirkan ka baxo xisbiga KULMIYE, isla markaana aanu reernimo ugu biiri doonin xisbiga WADDANI.

Wasiirka warfaafintu waxa uu tilmaamay in aanu ka tanaasuli doonin taageerada uu la garab taagan yahay madaxweyne Axmed Siilaayo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
“Anigu ma, gabado, la iigumana soo korin in aan habrado oo aan baqo oo aan nin qayrkay ah u habrado, nin reer Saxardiid ah ayaan ahay, waxaana aan u sheegayaa kuwa meelahaa wax ku qorqoraya, waxaan leeyahay Illaahay ayaa wax dila, walaahi in aydaan maydkayga ku soo dhawaan karin iska daa aniga oo noole.

Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ninkii aan aqoonow baro, kun nin waddada ugama baydho, Canada iyo Maraykanka Guddoomiyihii ururkii SNM ayaan ka ahaa, xisbiga KULMIYE wixii Somaliland ka baxsan ayaan madax ka ahaa. Xisbigii aan soo dhisayay ee aan u soo dagaalamayay ee wakhtigaygii iyo maalkaygii aan u huray maalintii xisbi Habaryoonis ahi yimid ka bixi maayo oo odhan maayo Habaryoonis ayaan galay, waar waxaasi waa gunnimo, dadka noocaas u nool anigu ma ihi,”ayuu yidh Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka oo caddeeyay inaanu marna mowqifkiisa xisbinimo bedalaynin, waxaannu yidhi, “Anigu waxa aan ahay qof mabda’a aaminsan, mabda’a madaxweyne Siilaanyo ayaan aaminsanahay, mabda’a mujaahid Muuse Biixi ayaan aaminsanahay, mabda’a xisbiga KULMIYE ayaan aaminsanahay, ka meel soo dhigaya Caddaani ayaan khaarajinaynaa waxaan leeyahay malaha isma garanayno.”
Sidoo kalena, waxgaradka iyo dhallinyarada ka soo jeeda deegaanka Wasiirka Warfaafinta, ayaa kulankaasi ka sheegay siday uga soo horjeedaan dhawaaqyada fal-dambiyeedka ah ee taabiciyiinta WADDANI ku handadayaan masuuliyiinta qaranka gaar ahaan siyaasiyiinta ka tirsan xisbal-xaakimka KULMIYE. Waxaanay sheegeen inay taageero mug iyo miisaanleh u hayaan Wasiir Caddaani.

Comments are closed