|

“Gaadiidleydu Toddobaadka Dambe Ha Soo Doontaan Waddo-maristooda, Oo Ha Ku Dedaalaan Bixinta Cashuurta…” Wasiir SAMSAM

Hargaysa 06. January 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay toddobaadka soo socda la bilaabayo Ururinta cashuurta waddo-marista Gaadiidka  ee Lixda bilood ee ugu horeeya Sanadkan 2017-ka.

 

Wasiir Samsam oo ka hadlaysay Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabatay Hargeysa, aaa tidhi, “Waxaan ku wargalinaynaa Gaadiidleyda reer Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah ee sida fiican noola shaqeeya marwalba oo iyaga ugu horayn aan aad iyo aad ugu mahad celinayo oo marka aan dariiq marayo ayey i weydiiyaan oo ay yidhaahdaan maydaan keenin waddo-maristii cusbayd Wasiir?  waxaan doonayaa inaan markaa u sheego inay bilaabmayso bishan January waana mid cusub oo sheeda ka muuqan doonta marka dirawal kastaa gaadiidkiisa ha ku dhejiyo (Warqadda Waddo-marista”.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay, “Haddii Alle yidhaahdo Toddobaadka soo socda ayaa la bilaabi doona (Cashuurta) Gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweynba oo liisamada cusboonaysiin toodn way soo doonanayaan.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Waxaan ka codsanaynaa inay Cashuurta bixiyaan muwaadiniinteenu, Waayo? Taasi waxay keeni doontaa in aanay jidadka isku qabqabsanin ciidamada waddo-marista.”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay, “Waxaan Qof walba oo muwaadin ah leeyahay soo doono Toddobaadka soo socda oo gooso waddo-maristaada, kuna dhejiso gaadhigaaga.”ayay tidhi.

Comments are closed