|

Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan Iyo Mas’uuliyiin Golayaasha Qaranka Ka Tirsan oo Booqday Xarunta Daryeelka Caruurta Derbi Jiifka ah ee Xaafada Maxamed Mooge DAAWO

Hargaysa 05. January 2017 (SDN/QJ):-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay Weheliyaan Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku tegay Xarunta Lagu Xannaaneeyo Caruurta Derbi Jiifka ah ee Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargaysa.

Xubnahan Wasiiradda oo Kala ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Diinta iyo Awqaafta,Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo Xildhibaan Mubaarik Cabdi Malow waxayna u Kuurgaleen Xaalada ay Ku Sugan Yihiin Caruur Tiradoodu Kor u dhaafayso Boqol oo Wiilal iyo Gabdho Isugu Jira Isla markaana ay Daryeelkooda Gacanta Ku Hayso Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.

Comments are closed