|

Maxay u Kori waayeen Xisbiyada ka Jira Somaliland mudo 14 sano ah? Weriye Sahra Ciidle Nuur & Gorfaynta Maanta

Washington 04. January 2017 (SDN/QJ):- Waxan dhiganayay dugsiga Sare ee Faarax Oomaar markii ugu horaysay ee nidaamka Xisbiyada laga bilaabay Somaliland waxan filayaa inay ahayd bilowgii 2002, xiligaa haba yaraatee wax fikrad ah kamaanaan haysan waxa uu xisbigu yahay iyo waxa uu qaban doono, bilo kadib waxa geeriyoday Alaha u naxaiistee madaxwayne Maxamed X. Ibraahim Cigaal, balse waxa sii socday hanaankii xisbiyada, waxa doorashadii gole yaasha deegaanka ee dhamaadkii 2002 ka qayb galay ururo tiro badan balse waxa soo gudbay sadex Xisbi, UDUB,KULMIYE & UCID.

Geedi socodkii xisbiyadu waxuu si rasmi ah u hana qaaday January 2003, maanta waxaynu joognaa January 2017, waxa laga joogaa 14 sano oo buuxa. Mudadaasi 14 ka sano markaynu eegno waa wakhti aad u dheer, ilmihii maalintaa dhashay wuxuu ku dhaw yahay qaan gaadh, dhismaha magaalooyinka, ganacsiga gaar ka loo leeyahay, korodhka waxbarashada, technology yada iyo ilbaxnimada casriga ah dhamaan horu mar muuqda oo baaxad leh ayaa ku kordhay.

Xaga dadka hadii aad fuudhka saarto aniga iyo intii ila fac ahayd ee xiligaa markay xisbiyadu Xaraf Restaurant ku shirayaan gobka ka shiidanayay geedaha waaweyn ee gobka ah ee ku yaala Makhaayadda Xaraf ee ku taala Dooxa Hargeisa dhiniciisa ee xataa aan haysan lacag ay makhaayadda wax kaga cunaan, dadkii maanta waxay u badan yihin dhalin yaro wax baratay oo horumarka dunida ka qayb qaata, balse Xisbiyadii maxaa u kordhay?

Sadexda Xisbi ee maanta Jiraa waa kuwii maalintaas uun waxa meesha ka baxay magaca Xisbiga UDUB, waxana soo kordhay Magaca Xisbiga WADAN, balse taa macneheedu maaha in dad siyaasada ka baxeen dad cusub iyo xisbi cusub na soo kordhay, dhamaan dadka hogaamiya Xisbiyadu waa kuwii maalintaa aas-aaskii xisbiyada la furayay goob jooga ahaa haba jiraan qurbe joog iyo dhalin yaro gadaal kaga soo biiraye masuuliyiintu waa kuwii.

Berigaa Xisbiyada la furay iyo ilaa markii doorashadii Madaxtooyada ee 2003, xaafadaha jaarkayaga mid kastaa wuxuu aqalkiisa sudhay calanka Xisbiga ay hogaankiisa isku Beesha yihiin, maantana sidii bay u sudhan yihiin!

10 kii sano ee ugu dambeeyay waxan ka shaqaynayay warbaahinta waxaan xidhiidh dhow la lahaa madaxda iyo masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiyada S/Land, dhamaantood waan ku qanacsanahay shaqsiyadooda iyo qiimaha qof ahaaneed ee mid kastaaba gaar kiisa u leeyahay waana dad aan ixtiram badan u hayo, midkastana waxa jira wax uu gaar u leeyahay (Unique Qualities) oo aan aqaano balse maanta diyaar uma ahi inaan sharaxo, waxan se idiin sheegayaa waligay ma codayn ma dooran xildhibaan ama madaxwayne, waligay Xisbi ama urur kale kuma biirin, waxa la yaab leh hadii aan ahaan lahaa qof caadi ah oo shicib ah oo ka mid ah dadka magaalooyinka, baadiyaha ama tuulooyinka jooga ee ay codka ka rabaan ma jiro mid kali ah oo igu qancin kari lahaa inaan u codeeyo maxa yeelay ma jiro mid baahidayda gaar ka ah ka hadlay oo aan u riyaaqi lahaa.

Dadku wuxuu u qaybsan yahay heerar kala duwan, xataa hadii la yidhaa Beelo ha lala hadlo beeshu isku wada dan maaha qaar baa xoolo dhaqato ah, qaar baa reer guuraa xoolo lay ah, qaarbaa muruq maal magaalo jooga ah, qaar baa dhalin yaro hada nolol iyo mustaqbal doonaysa ah, qaar baa ganacsato iyo dilaaliin waawayn ah, qaar baa weji ku macaash iyo koofiyad bacle yaal ah, qaar baa dan yar aan waxbarasho iyo caafimaad iyo nolol midna haysan oo kaalmo u baahan, intaas oo qaybood midna mida kale la dan maaha, mid waliba wax gaar ah ayay rabaan inay ka maqlaan xisbigaasi inuu qabanayo.

Marka madaxda Xisbigu la shirayaan Hogaamiye yasha Beelaha iyo Oday dhaqameedyada Odayaashaasi ma metelaan dhamaan qaybaha kala duwan ee ay beeshiisu ka kooban tahay? wali inta Suldaanka ama caqilka reerkiinu kuu yimi ma kuu sheegay sababta xisbigaasi kaga fiican yahay kaa kale ee ay reerkiinu ku doorteen, jawaabtu waa maya hadaan naftayda ka soo qaadana waa maya oo Buuxda sababta oo ah maba aqaano Caaqilka reerkayaga magaciisa oo dhaar baan ka maraya, markaa hadii isaga lala kulmi muxuu aniga iga bedeli karaa?

Halkaa ayaynu ka sii wadi maal maha soo socda hadii Alle ogolaado…………….

Comments are closed