|

Ninkii dadka ku Laayay Turkiga oo lasoo bandhigay & Dalalka ay ka soo jeedaan Dadkii dhintay (Sawirro)

Hargaysa 04. January 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Sirdoonka dalka Turkiga oo baaritaano xoogan wada ayaa waxa ay ku guuleesteen inay soo bandhigaan Sawirka iyo Muuqaalka Ninkii dadka badan ku laayay magaalada Istanbuul kaas oo watay Qori iyo boorso .

 

Ninkaan oo wali baxsad ah ayaa waxaa la sheegay inuu u dhashay ama ka soo jeedo dalalka Kirgistan ama Usbekistaan midkood . Ilaa hada kiiskaan ayaa waxaa loo xiray 8-qofood oo meelo kala duwan laga soo qabtay .

 

Habeenkii sanadka cusub uu soo galaayay ayay eheed markii goob lagu caweeyo (Reina) oo ku taal magaalada Istanbul la weeraray halkaas oo lagu dilay 39-qofood . Dadka dhintay oo iminka sharciyadooda la soo baaray ayaa 26-ka mid ah waxeey noqdeen Ajaanib .

 

Wakaalada wararka ee DOGAN iyo Jaraaidka Hürriyet ayaa shaaciyay in dadka ku dhintay weerarkaan marka laga reebo kuwa Turkiga ah ay ka soo kala jeedaan wadamada , Saudi Arabia , Belguim , Tunisa , Canada , israel , Marooko , Lubnaan , Russia , Jordan , Kuweit iyo India .

 

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerarkaan waxaana wali baxsad ah ninkii fuliyay kaas oo dharka badashay . Ninkaan oo watay Qori iyo Boorso dhabarka lagu xirto wuxuu dadkii martida ahaa la dhacay Rasaas lagu sheegay 180-mir mudo 7 daqiiqo ah .

Comments are closed