|

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadley Wakhtiga Loo Soo Gudbin Doono Muddo Kordhin Loo Sameynayo Xukuumada KULMIYE DAAWO

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Gacan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ee Somaliland oo qaybo ka mid ah warbaahinta kula hadlayey gudaha magalada Hargeysa ayaa waxaa uu iclaamiyey wakhtiga loo soo gudbin doono mudanayaasha golaha guurtida muddo kordhin la sheegay in xukuumada mar labaad loo sameynayo .
Xildhibaan Axmed Gacan ayaa waxaa uu sheegay in muddo kordintaasi loo soo gudbin doono golahooda bishan aynu ku jirno dhamaadkeeda ee sannadka cusub,taasi oo ay madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa ay muddadii la doortey kaga eegtey bisha saddexaad ee sannadkan.
Xildhibaan Gacan ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Bishan aynu ku jirno dhamaadkeeda ayaanu waxii lanoo soo gudbiyo ka hadleynaa waayo dastuurka ayaa waxuu leeyahay bil horteed baa la kordhin karaa,doorashada waxaa loo qoondeeyey bisha saddexaad ee sanadkan markaas bil horteed oo ku beegan bisha koowaad dhamaadkeeda ayaa loo baahan yahay in aanu ku dhawaaqno “Ayuu yidhi xildhibaanku

Comments are closed