|

“Suldaan Habaarow Qaabkii Aad Ku Dhaawacantay Waa La Ogaa Oo Adiga Oo Dhul-jiif Dayday Ah In Aad Adoo Fure Baabuur Dhacaya Dhabarka Lagaa Toogtay”…Suldaan Cune DAAWO

Burco 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa si ba’an u dhaliilay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo loo yaqaano Suldaan Habaar Waalid oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Maroodi Jeex kaasi oo uu ka daba socday hadal Suldaankan dambe ka soo yeedhay oo uu saxaafadda siiyey dorraad.

Suldaan Maxamed Muuse Cuneo oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco ayaa u jawaabay suldaan uldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo loo yaqaano Suldaan Habaar isaga oo yidhi: “Waxaan doonayaa in aan halkan kaga jawaabo hadallo kasoo yeedhay ninka la yidhaa Suldaan Habaar, kaasi oo aan xalay warbaahinta ka daawaday waxaanan leeyahay waran uu kugu riday nin kula dhinac ah iyo iskama dhaadid hadal dhadhamo raac. Habaar waxaan ku leeyahay waa la doogiye yaan la dacaroon. Waxaan leeyahay Ilaahaybaa arsaaqadda bixiyee yay ku sahayanin shilimaad koobani. Sidan aad u socotaa yaanay ku sahayanin rag hore oo magac lahaa ayaa ku dhintaye. Hadaladaadii aad saxaafadda siisay waxaad ka hadlaysay dagaaladoo sokeeye adoo soo hadal qaaday dad dhintay oo aan wakhtigan noolayn sida Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo aad tidhi dagaalkii sokeeye iyaga ayaa riday. Horta anigu lama hadlo nin dhintay waxaanan leeyahay Ilaahay ha u naxariisto. Nimankaasi waxa ay ahaayeen niman waaweyn oo odayaal ah oo Somaliland oo dhan ka baxay. Waxa hadaladaadii ka mid ahaa in aad dagaalkaasi dhinac ka ahayd oo aad ku dhaawacantay. Anigu waxaan kuu qirayaa in aad dhaawacantay balse waxa aad ku dhaawacantay waa la yaqaanaa. Waxa aad ku dhaawacantay fure gaadhi in aad ka qaado dof muwaadin oo Somalilander ah adiga oo dhul jiif ah oo dayda ah ayaad doonaysay in aad ka qaado fure gaadhi oo aad boobto. Ninkaasi fure ayuu kuu tuuray kadib markii aad is tidhi furaha qaado ayuu laba xabadood dhabarka kaaga dhuftay waa la yaqaanaa oo waa taariikh. Imikana waxaan kuu sheegayaa laba boqol oo dollar uunbaa laguu tuurayaa labadaasi boqol baanad ku dhimanaysaa horta”. Ayuu yidhi
Waxaanu Suldaan Cune hadalkiisa intaasi ku daray: “Hadaladii Suldaan Habaar waxa ka mid ahaa oo aan halkan kaga hadlayaa oo aan waliba aad uga helay in uu yidhi Musharraxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in aannu galin dagaaladii sokeeye iyo kuwii SNM. Waxaan leeyahay Ilaahay ha furo markhaatigaagii janno. Taasi waa runtaa, waxaan ku leeyahay Cirro waa nin aan dhiig galin weeye. Si dadbana dhiig umuu galin si toos ahna umuu galin. Markhaatigana waad u furteen anna waan kugu soo dhawaynayaa. Waxaan ku leeyahay cidda ku soo dirtay ayaa dagaalkaasi ku faantay oo dalka ka ridday”. Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Muuse Cune oo u jawaabayay suldaan Habaar.

Comments are closed