|

Maamulka Myanmar oo Balan qaaday inay Sharciga Marin doonaan Askari Boolis oo Si Xun u Jidh Dilay Muslimiinta Rohinga

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Myanmar ayaa balanqaaday inuu tallaabo qaadi doono. Ka dib markii la baahiyay muuqaal muujinaya askari boolis ah oo garaacaya rag muslimiinta Rohinga ah.

Dowladdu waxay sheegtay in dhacdadaasi ay dhacday bishii November  kana dhacday gobolka Rakhine.

Maamulka Myanmar ayaa marar badan sheegay in boolisku ay raacaan sharciga iyo qaanuunka.

Waxay dowladu diiday muuqaalo dhowr jeer la soo bandhigay oo muujinaya dadka muslimiin ah oo si xun loo galayo.

Waxaa muuqaaladaasi hore loo soo bandhigay ay dowladdu ku sheegtay kuwo been abuur ah oo aan dhab ahayn.

Muslimiinta dalkaasi Myanmar ee laga tiro badan yahay Waxay la kulmaan tacadiyo kaga imanaya dadka Buudiista ah.

Dilalka loo geysto muslimiinta ku dhaqan Myanmar ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey wadanka Malaysia.

Comments are closed