|

GAROOWE: Puntland oo lagu Qabtay Laba Ruux oo Faafinayey Cudur-dhaliye Halis ah iyo Maamulka PAC oo ka hadlay

Garowe 02. January 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada ammaanka ee Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa qabtay Nin iyo Gabadh la sheegay inay qabaan Cudurka halista ah ee Aids-ka isla-markaana ay si ula kac ah ugu faafinayeen Dadka, sida ay sheegtay Hay’adda PAC oo Puntland u qaabilsan la dagaalanka Aids-ka.

Agaasimaha Hay’adda PAC Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne, ayaa Warbaahinta u ugu sheegay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, inay labada Qof ee la qabtay kala yihiin Nin iyo Gabadh, kuwaas oo uu sheegay inay si ula-kac ah u faafinayeen Cudurka.

“Labada Qof ee aannu hayno waxay kala yihiin Nin iyo Gabadh, Gabadhu uma dhalan Puntland, waxaanay Cudurkan qaadsiisay illaa saddex Qof oo Rag ah oo soo guursaday.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Dhagaweyne.

Sidoo kale, Dr. Dhagaweyne ayaa sheegay in labadan Qof dhawaan la horkeeni doono Maxkamad si  loogu qaado Dacwadda la xidhiidh denbiga ay galeen ee Faafinta Fayraska Cudur-dhaliyaha HIV. Waxa uu intaas ku ladhay in dembiga labadan Ruux ka galeen Bulshada yahay mid culus oo Sharcigu go’aan ka gaadhi doono marka Maxkamadda la hor-geeyo.

Agaasimaha La-dagaallanka HIV/AIDS ee Hay’adda PAC Dr. Cabdiraxman Dhagaweyne, waxa uu Hay’adaha Ammaanka ugu baaqay, inay sii wadan howl-gallada ay ku baadigaabayaan Dadka ku kacay falalka faafinta HIV/AIDS ee Puntland ku nool.

Comments are closed