|

“Farmaajo waa shicib sabab aanu ula kulano meeshaba ma oolin, Cumar Cabdirashiid-na maanan arag umanaan socon, Shalay maxa naloo tuhmiwaayay markaanu xilka haynay’’ Hogaamiye Xirsi Cali DAAWO

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka Jawaabay Warar Sheegaya inay Magaalada Nairobi Mudadii ay Ku Sugnaayeen ay Kulan la Yeesheen Raysal Wasaraha Somalia iyo Siyaasiga hanka Madaxweyne ee Somalia u Tartamaya ee Farmaajo.

“Farmaajo waa shicib sabab aanu ula kulano meeshaba ma oolin, Cumar Cabdirashiid-na maanan arag umanaan socon, Somalia annagoo xilal hayna ayaanu kala kacnay, Shalay maxa naloo tuhmiwaayay markaanu xilka haynay markii Maxamed Biixi xilka hayay, waftiga Kenya tagay annigaa hoggaaminayay, Cirro Nairobi ayuu nagaga sii horeeyay, cidi masoo qaado anniga iyo Maxamed Biixi qolada KULMIYE waxaad moodaysay inay cid gaara xoqayeen oo u jeedeen, waxan leeyahay waxba tarimayso inaynu Qarankeena kala saar saarno, waxay taasi keenaysa oo xoqaysaa nabaro kale oo aan raali galinayn dhinaca kale.. Aynu dalkeena u midawno.

“Had iyo jeer doorashooyinku dadka way furfuraan, innaga oo aan doorashooyinba gaadhin inaynu sii furfurano sax maha. Halkaas intaynu imanka isku tuhmi lahayn ee hebelba tagay iyo habelbaa arkay ku mashquuli lahayn, waar waynu is haynaa nimankaasu Somalia ayaa la yidhaahda dawlad gaara ayay leeyihiin innaguna mid gaara ayaynu leenahaye teena aynu ka talino tooda iyagu meeshay doonaan ha kala dhacaane inagu teena aynu ka talino, oo teena wax yeelo hawgaysanin waxan u arkaa runtii dadka ku cel celinaaya ee dadka halka xanuunaysa xoqaaya in ula jeedadoodu tahay ula jeedo xun, oo ay doonayaan inay dalkan Somaliland ku wax yeeleeyaan.

Comments are closed