2017 Hambalyada Bahda Qurbejoog.com; “Qaar Kaa Horreeyoo Hodanaa Na Dhaafee Adna Hogol Da’aysiyo..”
Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan Hawl-wadeennada kala duwan ee Warbaahinta Qurbejoog.com, waxay Hambalyo iyo Bogaadin Hawada u marinayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto, bilawga sannadka 2017-ka ee kawda ah awgii.
Waxaannu leeyanahay Hambalyo….. Hambalyo….. Hambalyo, Allaah sannadkan sannadkiisa iyo sannado badan oo kale-ba ha innagu gaadhsiiyo Nabad, Caafimaad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad, Midnimo, Wada-jir iyo Horumar Muuqda Insha Allaah. Aammiin….Aammiin……………Aammiin.
Waxaannu Sannadkan cusub ee innoo bishay ku soo dhawaynaynaa ama ku qaabbilaynaa Heesta Ducada ah ee uu ku luuqeeyo Allaah ha u naxariistee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec; waxaanannu iyada oo Qoraal ah iyo iyadoo Maqal ah-ba idiinku soo gudbinaynaa Qoraalka iyo Muuqaalka hoose ee kala hooseeya ee Ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-
“Bayj 1:-
Waan Heesayaaye
Sannad waliba Hoodiyo
Hawliyo Dhibaatiyo
Wuxuu Hadimo leeyahay
Waa laga helaayoo
Hadhaw lagu Xasuustaa.
K:
Kii Noo Hagaagee
Noqo loo Hanwaynyey.
2:-
Qaar kaa horreeyoo
Hodanaa na dhaafee
Halkii loogu Mahad-naqay
Ka Habaabi mayside
Kuwa Hadhayna dabadaa
Waa la Hubsan doonaa.
K:-
Kii Noo Hagaagee
Noqo loo Hanwaynyey.
3:-
Waan ku Haybinaynee
Illaahay hakaa dhigo.
Adna Hogol da’aysiyo
Habeen-dhalad Barwaaqiyo
Nimco la hadhsan dooniyo
Cawo Lagu Hibeeyee.
K:-
Kii Noo Hagaagee
Noqo loo Hanweynyey.”